Taliyihii u horreeyay ee Afrikaana oo taageeray duullaanka Ruushka

Uganda-(Berberanews)-Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa si layaab leh uga hadlay duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Jananka oo hogaamiya qeyb ka tirsan ciidamada Uganda ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, isla markaana “dadka intooda badan (ee aan Caddaanka ahayn) ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine”.

Waxa uu soo qaatay xiisadii caalamka hadhaysay 1962kii ee ka dhalatay sawaariiqdii uu Midowgii Soofiyeet geeyay Cuba.

“Markii uu Midowgii Soofiyeet gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u ahaayeen in dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinto?” ayuu bartiisa Twitter ku qoray jenaraalka.

Jenaraal Kainerugaba ayaa la saadaalinayaa in loo diyaariyay inuu xilka kala wareego aabihii Museveni oo 77 jir ah, Uganda na hogaaminayay tan iyo sanadkii 1986.

47 jirkan hogaamiya ciidanka dhulka ee Uganda ayaa noqday taliyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee si shaac baxsan u taageera duullaanka uu Ruushka ka wado Ukraine.

Taliye Kainerugaba ayaa horay uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay colaadda Itoobiya, isagoo xilligaas taageero u muujiyay fallaagada TPLF oo uu ku tilmaamay “walaalihii”.

@Bbc Somali