Somaliland oo markii ugu horreysay ka hadashay dagaalka Ukraine

Hargeysa -(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay iftiimisay mowqifkeeda duullaanka Ruushku ku qaaday dalka ay deriska yihiin ee Ukraine oo haatan galay maalintii lixaad.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyey maanta, waxa uu nabad ugu baaqday dhinacyada dagaalku ku dhexmarayo dalka Ukraine, isagoo dhinaca kalena u duceeyey dadka reer Ukraine ee dawladda Raashiya weerarka ku qaadday dalkooda.

“Iyadoo xaaladda dalka Ukraine ay ka sii darayso, Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku baaqaysaa nabad. Waxaannu wadaynaa in aannu u ducayno dadka reer Ukraine, waxaanuna rajaynaynaa in la gaadho xal nabadeed,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
Dhinaca kale, Wasiir Ciise Kayd ayaa ugu baaqay ardayda reer Somaliland ee wax ka barta Ukraine in ay la xidhiidhaan xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ku yaal dalka Finland.

Duullaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine oo dhaliyey khasaare aad u baahsan, waxa uu saamayn weyn ku yeeshay guud ahaan caalamka oo dhan, gaar ahaanna qaaradda Yurub oo haatan wadnaha farta ku haysa.