Turkiga oo ku dhawaaqay inuu dhaqangelinayo axdigii Montreux

Turkey-(Berberanews)-Turkiga ayaa ku tilmaamay duulaanka Ruushka ee Ukraine inuu yahay “dagaal”, taasoo muujineysa isbedel dhanka codka ah oo laga yaabo inuu wadada u furo xubnaha NATO inay meelmariyaan qeybo ka mid ah heshiisyada caalamiga ah, taasoo suurtagal ah inay xaddido maraakiibta dagaalka Ruushka ee ka soo gudbaya badda Mediterranean-ka ilaa badda madow.

Ankara ayay Kyiv ku boorisay inay ka hortagto maraakiib kale oo Ruushku leeyahay inay galaan Badda Madow, halkaas oo Moscow ay ka bilowday weerarka xeebta koonfureed ee Ukraine.

Bishan, ugu yaraan lix markab oo laga leeyahay dalka Ruushka iyo bad-mareen ayaa waxa ay soo mareen marinnada Turkiga.

“Xaaladda Ukraine hadda waxay si rasmi ah u tahay dagaal…ma ahan oo keliya weerar cirka ah… Wareysi uu siiyay CNN Turk Axaddii, wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, wuxuu ku dhawaaqay, “Waxaan dhaqangelin doonnaa Axdiga Montreux.

“Ankara waxa ay ku tilmaantay weerarka Ruushka mid laga xumaado maalmihii hore, laakiin xaaladda Ukraine kumay astayn dagaal hadda la hot, taas oo dheelitiraysa ballan-qaadkeeda reer galbeedka iyo xidhiidhka adag ee Moscow ay la leedahay.

Berberanews.com
Info@berberanews.com