Maxaad kala socotaa wararkii u danbeeyay ee dagaalka Ruushka iyo Ukraine?

Ukraine-(Berberanews)-Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa markii ugu horerysay qiratay khasaaraha ka soo gaadhay dagaalka ay ku gashay Ukraine.

Inkastoo aanay caddayn khasaaraha rasmiga, balse waxay qireen jiritaanka khasaarahaas.

“Waxaa jiray dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay militeriga Ruushka intii uu socday howlgalka khaaska ah,” ayay wasaaraddu ku tidhi bayaan ay kasoo saartay magaalada Moscow, sida ay tabisay Wakaaladda Wararka ee TASS.

“Khasaaraha soo gaadhay ciidanka Ruushka waxa uu dhowr jeer ka yar yahay tirada khasaaraha ee gaadhay kuwa qaran doonka ah ee la burburiyay,” ayay ku tidhi bayaanka.

Ukraine oo gantaallo lagaga soo garaacay Belarus

Gantaallada nooca loo yaqaanno Iskander oo laga riday Belarus ayaa lagu weeraray Ukraine galinkii dmabe ee maanta, sida uu sheegay la taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ukraine.

Weerarkan ayaa yimid kaddib markii xafiiska madaxweyne Zelensky uu maanta ku dhawaaqay in saraakiil ka kala socda Ukraine iyo Ruushka ay ku kulmayaan xadka ay wadaagaan Ukraine iyo Belarus, si ay u wada hadlaan – inkastoo aysan sheegin waqtiga ay isku imaanayaan.

Kulanka madaxweynayaasha Ukraine iyo Ruushka

Madaxweyne Volodmyr Zelensky ayaa diiday dalab uga yimid xukuumadda Moscow oo ah in ay isaga iyo Putin ku kulmaan waddanka Belarus, si ay u wada hadlaan.

Madaxweynaha Ruushka ayaa doonaya in ay si fool ka fool ah isu arkaan madaxweynaha Ukraine.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inuu diyaar u yahay la kulanka Putin balse uusan tegi doonin Belarus, maadaama uu yahay waddan ka barbar dagaallamaya Ruushka.

Waxa uu sheegay in uu rabo in isaga iyo Mr Putin ay ku wada kulmaan meelo kale oo aan ahayn Belarus.

Arrintan ayaa timid xilli dagaalka uu Ruushka ku galay Ukraine uu socdo maalintii afaraad.

Ukraine oo dadka ajaaniibta ah ka codsatay in ay dagaalka la soo galaan.

Xuukumadda Kyiv ayaa sheegtay in ay samaynayso guuto loogu magacdaray ” guutadda caalamiga ah” oo loogu talagalay ajaanibta dooneyso in ay si mutadawacnimo ah u taageeraan dalka Ukraine.

“Tani waxay noqon doontaa caddaynta muhiimka ah ee muujineysa taageerada aad u haysaan waddankeena Ukraine,” ayuu yidhi madaxweyne Volodymyr Zelensky hadal uu hadda soo saaray isagoo la hadlayay dadka wadamada kale u dhashay ee ka barbar dagaalamaya ciidanka Ukraine.

Kharkiv oo gacanta Ukraine ku soo noqotay

Ciidamada Ukraine ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Kharkiv, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka.

Xoogaga Ruushka waxaa u suurtagashay in ay gudaha u galaan magaalada, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine, hal habeen oo kali ah laakin dib ayaa loo celiyay.

Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dagaallo wadooyinka ku dhexmaraaya ciidamada Ukraine iyo kuwa Ruushka.

Berberanews.com
Info@berberanews.com