Laamaha Dawladda oo lagu amray inay Gadiidkooda Ciladooba Keenaan Hoosada gadiidka.

Hargeysa -(Berberanews)-Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha gadiidka iyo horumarinta jidadka iyo horumarinta maaliyadda Somaliland ayaa kormeer indho indhayn ah ku tegay Geerashka dayactirka gaadiidka dawladda oo ay gacanta ku hayso wasaaradda Gadiidku.

Waxa socdaalkooda agaasimeyaasha guud ku wehelinaayey agaasimaha waaxda gadiidka ee wasaaradda gadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Muuse Ibraahim Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Agaasimaha waaxda gadiidka ee wasaaradda gadiidka iyo horumarinta jidadka somaliland muuse ibraahim yuusuf ayaa ugu horeyn agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha gadiidka iyo maaliyadda warbixin ka siiyey sida uu u shaqeeyo Geerashka dayactirka Gadiidka dawladdu,waxaanu tilmaamay in xaruntan lagu dayactiro gaadiidka dawladda, waxaanu cadeeyey in ay waqtigan dayactiraan gaadiidka 11 Hay’addood oo dawli ah.

Dhankoodana agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha gadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Axmed Abokor Maxamed iyo horumarinta maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan  oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in hoostada gaadiidka dawladda laga maalgeliyey cashuurta dadweynaha, isla markaana danta laga lee yahay ay tahay in la ilaaliyo bed qabka gaadiidka dawladda,waxaanay cadeeyeen in gaadiidka dawladda ay dhibaato kasoo gaadho marka la geeyo goobaha gaarka ah ee lagu hagaajiyo gaadiidka,waxaanay fareen wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawladda inay gaadiidkooda keenaan Hoostada gaadiidka dawladda ee ay maamusho wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Berberanews.com
Info@berberanews.com