Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Ukraine

Gabalka ayaa u dhacay magaalada Kyiv kaddib markii uu saddex maalmood ka socday dagaal gaaray guud ahaan waddanka Ukraine.

Magaalada ayaa lagu soo rogay bandow uu amray Duqa Kyiv, Vitali Klitschko. Dhaqdhaqaaqa ayaa la xannibay wixii ka billowda shanta galabnimo.

Duqa magaalada ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay farriin uu ku sheegayo in qof walba oo rayid ah oo lagu arko magaalada waqtigaas kaddib loo arki doono “inuu ka mid yahay cadowga taageerayaashiisa”.

Saraakiisha Gaashaandhigga UK ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay magaalada Kyiv u jiraan 30 kiiloo mitir.

Balse madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa weli ku sugan magaalada caasimadda ah waxa uuna farriimo lid ku ah Ruushka kasoo dirayay xafiiskiisa, isagoo ay ku hareereysan yihiin militeriga.

Mareykanka oo madaxweynaha Ukraine usoo bandhigay in laga qaado Kyiv

Warbaahinta Mareykanka ayaa tebisay in Madaxweynaha Ukriane, Volodymyr Zelensky, uu ku gacan seyray farriin uga timid Mareykanka oo usoo bandhigay in ay ka kaxeeyaan magaalada Kyiv.

Mr Zelensky ayaa sheegay uusan qaadis u baahneyn balse uu u baahan yahay rasaas dheeraad ah.

Waxa uu sheegay in ciidamada waddankiisa ay weli gacanta ku hayaan magaalada caasimadda ah ee Kiyiv iyo magaalooyinka kale ee muhiimka ah, ayna jihada ka weeciyeen qorshihii weerarka Ruushka.

Farriin muuqaal ah oo uu soo diray ayuu Mr Zelensky uga codsaday shacabka Ruushka in ay cadaadis saaraan madaxweynahooda, Vladimir Putin, si uu dagaalka u joojiyo.

Madaxweynaha Ukriane oo ku gacansaydhay inuu isdhiibo

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa diiday dalab uga yimid xukuumadda Washington oo ahaa in laga caawiyo sidii looga soo saari lahaa dalka, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

“Dagaalka ayaa halkan ka socdaa, waxaan u baahanay hub” sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganeyso sarkaal sare oo ka tirsan sirdooonka oo si toos ah ula socday wada hadalka.

Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay caawiso madaxweyne Zelensky, ayuu yiri wargeyska Washington Post oo soo xiganayo saraakiil u dhalatay Ukraine iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa si weyn loogu ammaanay jawaabta uu ka bixiyay duulaanka Ruushka uu dalkiisa kusoo qaaday.

Madaxweynaha oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso jeediyay wuxuu wacad ku maray in uu sii wadi doono dagaalka.

“Marka aad ina soo weerartaan, waxaad arki doontaa wajiyadeena balse arki meysaan dhabarkayaga” ayuu yiri Zelensky.