Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu ciqaabayo mas’uuliyiinta Soomaaliya.

USA-(Berberanews)-Kadib dib u dhac kale oo ku yimid doorashada baarlamaanka, maamulka Mareykanka ayaa xayiraad dhanka fiisaha ah ku soo rogay mas’uuliyiinta iyo shaqsiyaadka Soomaalida ah, isagoo ku eedeeyay inay “wax u dhimayaan hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya.”

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in ciqaabaha la soo rogay “si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga” bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu yidhi.

Xaddidaaddan ayaa timid saacado un kadib markii madaxda Soomaalida ay ku dhawaaqeen in doorashada baarlamaanka dib loo dhigay illaa 15-ka bishan March kaddib markii ay ku guul-darreysteen in la soo gabagabeeyo 25-kii bishan Febraayo.

Blinken ayaa yiri, “Dib u dhaca ku yimid gabagabada doorashada Soomaaliya waxa uu horseed u yahay xasillooni darro siyaasadeed, khatar gelinaysa guulaha amniga, iyo mid wiiqaya horumarka dhaqaalaha.”

Doorashadan oo billowday bishii November ee lasoo dhaafay ayaa dib u dhacday, kaddib markii dhowr jeer oo hore ay dib u dhacyo ku timid, iyadoo la isku af-garan waayay qaabka loo qabanayo iyo khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo la doonayay inay dhacdo sannad ka hor.

Ilaa hadda ergada beelaha ayaa soo dooratay 179 ka mid ah 275-ta xubnood ee Aqalka Hoose, iyadoo loo marayo hab codbixin dadban ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa dooran doona Xildhibaanadan, inkastoo aan weli la cayimin xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha.

Berberanews.com Info@berberanews.com