British Airways oo joojisay duullimaadyada madaarka Heathrow.

London-(Berberanews)-Kaddib markii la joojiyay dhammaan duulimaadyadii muddada gaaban ee Gegida Diyaaradaha ee Heathrow subaxnimadii Sabtida, Shirkadda Diyaaradaha ee British Airways ayaa raalligelin ka bixisay.

Shirkadda ayaa ku dhawaaqday galabnimadii sabtida in nidaamka IT-da dib loo soo celiyay kadib cilad farsamo oo ay sheegtay in uusan ka dhalan weerar dhanka internetka ah.

In kasta oo baaqyada qaar ay hadheen, British Airways waxay sheegtay in inta badan duullimaadyadu ay hadda ku baxayaan waqtigii loogu talagalay.

Duulimaadyadii safarka dheeraa ayaa dib u dhacay, halka dhammaan duullimaadyadii muddada gaaban la joojiyay illaa duhurkii.

Rakaabka ka duulaya Gatwick ama Gegida Diyaaradaha ee Magaalada London waxa ay la kulmeen dib u dhac yar oo ka dhashay dhibaatooyinka.

British Airways ayaa bayaan ay soo saartay galabnimadii sabtida ku sheegtay in ay hadda rabto in ay dhammayso jadwalka duulista ee maalinlaha oo ay caawiso macaamiishii la joojiyay duulimaadyadoodii si ay dib u ballansadaan.

Berberanews.com
Info@berberanews.com