Kenya oo koronto ka iibsan doonta biyo xidheenka Ethiopia

Ethiopia-(Berberanews)-Kenya ayaa koronto ka iibsaneysa biyo xidheenka weyn ee Wabiga Nile ee dalka Itoobiya, kaasoo markii ugu horreysay koronto billaabay dhammaadkii todobaadkii hore.

Korontada loo dhoofiyo wadamada deriska ah iyo kuwa ka sii fogba waxaa la filayaa in ay keento ku dhawaad ​​$1 bilyan (£746 milyan) sanad walba.

Heshiis cusub oo u dhexeeya labada deris ayaa la gaadhay horaantii bishan.

Wasiirka Tamarta Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in tallaabadani ay muhiim u tahay horumarka dhaqaalaha dalka.

Marawaxadii ugu horaysay ee Biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (Gerd) ayaa hadda soo saaraysa 375 megawatts (MW) oo koronto ah.

Sannadkii 2011-kii, Itoobiya waxay billowday dhismaha biyo-xidheenka 4-ta bilyan ee doollarka ah ee laga dhisayo dhulkeeda sare ee woqooyiga, kaasoo 85 boqolkiiba biyaha webiga Niil ay kasoo qulqulayaan.

Sannadka 2024-ka, waxa la saadaalinayaa in kaydka ka dambeeya biyo-xidheenka uu buuxsami doono, kaas oo dhalin kara in ka badan 5,000 MW oo tamar ah.

Korontada Itoobiya ee hadda jirta waxa ay noqon doontaa wax ka badan labanlaab.

Dhinaca kale, biyo-xidheenka ayaa ahaa mid ay muddo dheer ku muransanaayeen Itoobiya iyo dalalka ka hooseeya sida Suudaan iyo Masar.

Sababtoo ah ku tiirsanaanta webiga Niil, waxay u arkaan in biya xidheenku khatar ku yahay ammaankooda biyaha.

Berberanews.com
Info@berberanews.com