“Anagu kaligay ayaanu difaacaynaa Ukrain” madaxweyne Zelenskyy

Ukraine-(Berberanews)-Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa ku dhaleeceeyay wadamada reer galbeedka inaanay u imaan si ay u gargaaraan Ukraine, isaga oo sheegay in dalkiisa keligii loo daayay in uu la dagaalamo ciidamada Ruushka ee soo duulay.

“Yaa diyaar u ah inuu naga garab dagaalamo? Qofna ma arko,” ayuu yidhi.

“Yaa diyaar u ah inuu Ukraine siiyo dammaanad xubinnimada NATO? Qof kastaa wuu cabsanayaa.
“Waxaan difaaceynaa dalkayaga anago keliya. Xoogagga ugu awoodda badan adduunka ayaa tan meel fog ka daawanaya,” ayuu yishi Zelenskyy, isagoo xusay cunaqabateynta cuaub aanay meel fog gaadhin.
“Miyay cunaqabatayntii shalay soo qabatay Ruushka? Waxaannu ka maqalnaa cirka naga sareeya iyo dhulkayaga, taasina maaha mid ku filan.

“Difaaca jasiiradda Zmiinyi, dhammaan ilaalada xudduudaha waxay u dhinteen geeri geesinimo leh. Balse may is dhiibin. Dhammaantood waxaa lagu abaalmarin doonaa ka dib magaca geesigayada Ukraine. Ha la xasuusto kuwa naftooda u huray Ukraine weligood,” ayuu yidhi Zelenskyy.

“Waxay dilayaan dadka waxayna u rogayaan magaalooyin nabdoon badhtilmaameedyo ciidan. Waa khalad, waligiina la cafiyi maayo, ”ayuu yidhi Zelenskyy, isaga oo tixraacaya ciidamada Ruushka.

Zelenskyy waxa kale oo uu  ku dhawaaqay  in uu wali ku sugan yahay Ukraine, in kasta oo Ruushku doonayo “in uu siyaasad ahaan u burburiyo Ukraine isaga oo xilka ka qaadaya madaxa dawladda.
Aniga iyo kuwa kaleba waxaan joognaa xarumaha dawladda. Cadawgu waxa uu iga dhigtay badhtilmaameedka koowaad, qoyskaygana waxa uu ka dhigtay lambarka labaad”.

Berberanews.com
Info@berberanews.com