Hargeysa-(Berberanews)-Waxa Caawa Masaajidka Huteel Maansoor ee C. Hargeysa Ashahaada Loogu Qabtay oo Muslimay Nin Ajaanib ah hore Gaal u ahaa oo Haystay Diinta Christain ka balse hada Qaatay Diinta xaqa ee Islaamka kaas oo sida la sheegay Rag Dhalinyaro ah oo Illaahayna ku guuleeyey ku qanciyeen uguna nasteexeeyeen in uu Diinta Islaamka soo galo ugu dambayntii uu ku Qancay oo Qaatay Ninkaasi Diinteena Suuban ee Islaamka.
Illaahay ayaa mahadaasi oo dhan Ninkaasi xaqa uu ku soo hanuuniyey ee Xaqa uu tusay iska leh inta kale oo Halaaga ku sugan ee Nasteexa u baahan ee Diimaha kale ee khiyaaliga ku jirana Eebbe Diinteena Suubban ee Naxariista iyo xaqa ee Islaamka haku soo hanuuniyo Inshaalaahu.
Sababo amaankiisa khuseeya ayaa loo qariyay magaciisii hore iyo dalka uu kasoo jeedaba.
Berberanews.com
Info@berberanews.com