Itoobiya oo shuruudo cusub ku xidhay wadahadallo dhexmara TPLF

Addis Ababa  -(Berberanews)-Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed, ayaa sheegay in dagaalka ay kaga adkaadeen fallaagada TPLF, isla markaana aanay jirin wadahadallo rasmi ah oo ay la bilaabeen madaxda Tigray.
Ra’iisal-wasaare Abiy waxa uu sheegay in ciidammadiisu had iyo jeer ay diyaar u yihiin daandaansi kasta oo dhanka TPLF ka yimaadda iney si buuxda uga hortagaan, balse go’aankii dowladda ee ahaa iney gobolka Tigray gudaha u gelin aannu weli waxba iska baddalin.

“Ilaa hadda wax wadahadal ah oo lala galay TPLF ma jiraan. Laakiin wadahadal ma gelin ama gabi ahaanba wadahadal ma jirayo kama dhigna,” ayuu yidhi Abiy Axmed.

Hoggaamiyaha fallaagada TPLF Drbretsion Gabre-Michael ayaa sheegay wadahadallo lala galo xukuumadda Abiy Axmed nay hore shuruudo ugu xidheen, ilaa shruudahaas dowladda dhexe ka soo baxdana aanay wax heshiis ah galeyn.

Debretsion wuxuu dowladda dhexe ee Itoobiya ku eedeeyey iney diyaargarow wadaan, dagaalka waxa ay u joojiyeenna ka ahayn in colaadda xal waara loo helo, balse ay uga gol leeyihiin iney helaan fursad ay dagaal kale ugu diyaargaroobaan.

Dagaalka woqooyiga Itoobiya ka socda in ka badan 15 bilood oo geystay khasaare naf iyo maalba leh sidii loo joojin lahaa waxa socday dadaallo ay dhinacyo kala duduwan wadeen walow ay dadaalladaasi midhodhal noqon.

Midowga Afrika, Mareykanka iyo Kenya oo dadaal u galay sidii dagaalka Tigraay loo soo afjari lahaa gargaar bani aadanimana gobolkaasi loo gaadhsiin lahaa haddana natiijo la taaban karo kama soo bixin.

Shaqsiyaadka dadaalka ugu badan geliyey sidii ay labada dhinac uga kala dab qaadi lahaayeen waxa ka mid ah Wakiilka Midowga Afrika Olisegon Obasanjo iyo Ergeyga gaarka ee dowladda Mareykanka Jeffry Feltman. Iyaga oo safarro ay colaaddaasi xal ugu raadinayaan ku tagay magaalooyinka Addis Ababa, Maqalle iyo Nairobi.

Hadal haynta wadahadallada:

Fallaagada TPLF waxay marar badan sheegeen iney diyaar u yihiin dagaalka in wadahadal lagu soo afjaro, hase yeeshee dhanka madaxda dowladda dhexe ee Itoobiya war rasmi ah oo ku saabsan iney wadahadal colaaddaasi xal looga raadinayo ay TPLF la galayaan kama soo bixin.

Badhtamihii bishii Januray wakaaladda wararka ee AP waxay baahisay iney dowladda Itoobiya ay dooneyso iney wadahadal la gasho TPLF, inkastaoo aanay dowladdu arrintaa ka hadal.

“TPLF haddii ay nabad diyaar u tahay, dabeecaddii fallaagaduna isbaddasho oo ay nabad diyaar u yihiin annagu si wanaagsan ayaan u soo dhaweynayaan, laakiin nabad hal dhinac oo keli ah ka socoto ay natiijo wanaagsan ka dhalan karin,” ayuu yidhi Abiy Axmed oo maalmo ka hor hortagay baarlamaanka dalkaas.
“Wadahadal wuu jiri karaa, haddii uu yahay mid ay ku jirto danta dalka wadahadal wuu jiri karaa,” ayuu sii raaciyey.

Wadahadallada aan tooska ahayn:

Dowladda Itoobiya iyo fallaagada TPLF inuu wadahadal aan toos ahayn uu u socdo shaqsiyaadka ka dhawaajiyey waxa ka mid ah Wakiilka Midowga Afrika Olisegon Obasanjo.

Hase yeeshee Obasanjo wax faahfaahin ah kama bixin wadahadallada aan tooska ahayn ee labada dhinac u socda.

Hoggaamiyaha fallaagada TPLF Debresion Gabra Michael oo bishii January BBC News Hour u warramay wuxuu sheegay iney dowladda Itoobiya ay wadahadal aan toos ahayn la bilaabeen yididiilo wanaagsanna ay ka muuqato.

Inkasta oo dowladda Itoobiya aanay wax jawaab ah ka bixin hadalka ka soo yeedhay Hoggaamiyaha fallaagada TPLF Debresion Gabra Michael.

Maxay yihiin shuruudaha dowladda Itoobiya:

Debresion wuxuu intaa ku daray wadahadalkaasi inuu qayb ka yahay dadaallada diblomaasiyadeed ee ay wadeen Midowga Afrika, Qarammada Midoobay iyo dowladda Kenya.

Wadahadalkaasi dadban ee labada dhinac u dhaxeeya xilligii la sheegay oo ay seddex toddobaad ka soo wareegtay weli wax natiijo ah kama soo bixin.

Madaxweynihii hore ee Nigeriya Olesengo Obosanjo oo dhawaan loo magacaabay ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Midowga Afrika wuxuu dhawaan kulammo uu la yeeshay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa TPLF.

Obasanjo wuxuu BBC u sheegay dadaalka uu u galay iyo kulammada uu la yeeshay labada dhinac midkoodna in aanay diidin baaqii wadahadalka uu ugu yeedhay.

‘Shuruudaha TPLF:’

TPLF wadahadal ay la gasho dowladda Itoobiya waxay ku xidhay shuruudo ay ka mid yihiin: Arrinta ciidamada fallaagada, in shacabka Tigraay aaya ka tashi loo oggolaado, ciidammada Eritrea iney gobolka Tigray ka baxaan iyo in Tigraay xadkii uu hore u lahaa loo soo celiyo ciidammada Amxaaradana ay gabi ahaanba deegaankaasi ka baxaan.

‘Shuruudaha cusub ee Itoobiya ku xidhay wadahadallada TPLF:

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Diina Muftii ayaa sheegay haddii la doonayo dagaalka waqooyiga Itoobiya muddo sannad ka badan ka socda in nabad lagu soo afjaro in TPLF looga baahan yahay inay ka soo baxaan dhowr shuruudood.

“Iney fallaagada TPLF ay ka baxaan dhulka ay ka qabsadeen deegaannada Amxaarada iyo Cafarta, Iney aqoonsadaan dowladda dhexe ee dalka ka arrimisa iyo xoogagga TPLF weerarrada ay fulinayaan iney joojiyaan,” ayuu yidhi afhayeenka.

“Saddexdan qodob “wadahadalladu iney shuruudo u noqdaan iyo ineysan u noqon labaduba wey dhacdaa,” balse ilaa iyo hadda wax wadahadallo ah oo dowladda dhexe iyo TPLF ka dhex bilowday ma jiraan, wax go’aan ah oo wadahadal laga gaadhayna ma jiraan,” ayuu yidhi.

Dagaalka woqooyiga dalka Itoobiya ka socda waxa uu bilowday 4-ta bishii November 2020-kii kaddib markii ay dowladda dhexe sheegtay xoogagga TPLF iney weerareeen saldhigga woqooyi ee ciidammada Federaalka ay ku lahayeen magaalada Maqalle.

Dagaalka Gobolka Tigray ka bilowday ayaa ku sii baahay deegaannada Amxaarada iyo Canfarta oo bilooyinkii u dambeeyey dagaalka xooggiisa uu ka socdo.