Wefti ka socda Somailand oo shirweyne caalami ah kaga qaybgalaya Nigeria

Lagos -(Berberanews)-Wefti sare oo ka socda Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa magaalada Lagos ee caasimadda waddanka Nigeria kaga qaybgalaya shirweynaha caalamiga ah ee shidaalka (SAIPEC- Sub Saharan Africa International Petroleum Exhibition Conferenc, 6th Edition 2022), kaas oo lagaga hadlayo sidii dalalka Afrika u dardargelin lahaayeen ka faa’iidaysiga khayraadka saliidda/shidaalka.


Shirkan oo ayey isugu yimaaddeen inta badan ee dalalka Afrikaanka, shirkadaha waaweyn ee shidaalka caalamka ee ka hawlgala qaaradda Africa.
Wefti ka socda Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ayaa si rasmi ah loogu casuumay ka qaybgalka shirweynaha caalamiga ah, waxaanay weftigu madasha ka jeedin doonaan shirka warbixin dhammaystiran oo ku saabsan khayraadka saliidda iyo shidaalka dihin ee ku jira dhulka dalka Somaliland.