“Waxa la abuuray kooxo qarsoon.” Wasiir Cabdilaahi

Waxaan Qormooyinka iyo Cilmi-baadhisaha Taxanaha igu kalifay in Muwaadiinta Somaliland u iftiimiyo Dhagaraha Qarsoon ee Kooxaha loo yaqaan Cayayaanka Baraha Bulshadda (C. B.B) oo ay adeegsadaan Xubno ka mid ah Mucaaridka iyo Shaqsiyaad Xildoonku madax-maray, kuwaas oo halis ku ah Amniga iyo wada-jirka Bulsho.

Abuurista Kooxdan (C. B. B) oo laga soo minguuriyay Ururka Ikhwaan-Muslim, lagu dumiyay Wadamadda Yemen, Libya, Syria, iyo Masar, Sudan oo xasilooni- siyaasadeed ka jirin, waxaa kale oo isticmaalay Kooxda Nabad iyo Nolol  ( N.N)  ee konfurta Somalia, imikan waxa la abuuray Kooxo qarsoon oo Baraha Bulshadda Somaliland  ku nool oo Computer iyo mobile markasta Gacanta ku haya , Warbaahin (TV) Hal-abuurka leh , iyo Masuuliyiin warmooga ah oo laga faaiidaysto dareenkood , waxaa lagu bixiyaa kharashaad badan , taas lagu khatar galinta Amniga iyo kalsoonida Bulshadda kuwaas loogu yeedho (C.B.B).

Kooxda C.B.B waxay si guracan uga warbixiyaan Xaaladda Abaarta iyo Sicir bararka Somaliland, waxay daboolaan Gurmadka Xukumadda,Ganacsatadda, Culimadda, iyo Saxiibadda Somalland,

Suaal : waa maxay Abaar?, Maxaase laga qabtay Abaarta ?

Somalidu waxay macneeyaan Abaarta waa Baad iyo Biyo la’aan , Abaaraha Somaliland Soo maray waxay ahaayeen:

➢ Xaarama Cune 1914,
➢ Hawaara 1923,
➢ Adhi-Gaba 1934,
➢ Jiitama 1945,
➢ Siiga Case 1954,
➢ Gaadhi-gaadhisaar 1964,
➢ Daba-dheer 1974,
➢ Dhibijaale  1984,
➢ Sima 2015/16-
➢ abaartan 2021/2022,
➢ iyo Duufaantii Saqar, 2018,

Si wax looga qabto aafooyinka, ( Abaaraha/ duufaanka I.W.M ) soo jireenka ah ilaa 3 qarni , looguna diyaar-garowo, iyo si adkeysi loogu yeesho aafooyinka soo noqnoqday wuxuu Madaxweyne J.S.l Somaliland ee Muse biixi Abdi waxka badel iyo kaabis dhamaystiran ku samaysay hayadda Hayadda cilmi Baadhista deegaanka iyo Diyaargarowga aafooyinka) (NERAD),  loona badalay “ Hayadda u Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka)  (NADFOR) si waafaqsan Xeer nidaamiyha Dhismaha Wasaaradda iyo Hayaddaha Xukumadda L/r 01/2018 Qodobka 8aad .

Diyaarinta Hayadda NADFOR;

Dhismaha hayadda NADFOR oo ah hayadda u qaabilsan Qaranka isku-duwidda  iyo diyaargarowga aafooyinka ayaa loo diyaariyay  Xarumaha  hayadda iyo Kaydadka Raashinka ee Goboladda Somaliland

A. Baad (Raashin)
1. Xarunta Guud ee Hargeisa ( Maroodi-jeex) ( Dhisme Cusub)
✓ Kaydka Raashinka ee Xarunta ( 3 Bakhaar)
2. Xarunta Gurmad Qaranka ee Abaarso ( Dhisme Cusub)
✓ Kaydka Raashinka ee abaarso ( 1 Bakhaar)
3. Xarunta Gobolka Togdheer ( Burco) Dhisme Cusub
✓ Kaydka Raashinka ( Burco)
4. Xarunta Gobol Awdal ( Borama) ( Dhisme Cusub)
✓ Kaydka Raashinka ( 1bakhaar)
5. Xarunta Gobolka Saaxil ( Berbera)
✓ Kaydka Raashinka ( 2 Bakhaar) ( Dayactir)
6. Xarunta Gobolka Gabiley ( Gabiley) Dhisme Cusub
✓ Kaydka Raashinka ( 2 Bakhaar)
7. Waxaa qorshaysan 2 Gobol ee waaweyn Sool iyo sanaag Xarumaha iyo Kaydka raashinka,
8. Waa Markii -koowaad ee Qarankan Somaliland yeeshay Kayd Raashin oo loogu talogalay Aafooyinka Dabiiciga ah.
Abaarta 2021/2022

Horaantii November 2021, waxay Hayadda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka iyo Wasaaradda Horumarinta Beeraha la wadaageen Golaha Wasiiradda in sanadka 2022 la saadaalinaayo Abaar iyo Kaliil dheeraata, iyo in ay jiraan biyo yaraan Goboladda Dalka qaarkood , waxaa Golaha wasiiradda laga sameeyay Guddiga Abaaraha kuwaas oo Xoghayn looga dhigay Hayadda NADFOR.

Guddiga Abaaraha Somaliland waxaay hawl-galiyeen , 18 November 2021, 10 ( Toban) booyadood,, oo xukumadda Somaliland leedahay kuwaas oo Goboladda Sool, Sanaag, Togdheer, Maroodi-jeex iyo Saaxil ka bilaabay biyo dhaamin.

December 2021, waxaa 6 Gobol ee waaweyn loo kala diray Guddi-farsamo oo ka kooban 18 xubnood oo soo qiimeeya Xaaladda Abaaraha Dalka , waxay sameeyeen daraasadda waxaana ka soo baxday in Goboladda ( Sool, Sanaag, Togdheer, Xeebaha ( Awdal, Saaxil) iyo Konfurta Hargeisa ): u baahan yihiin baahiyahay hoose:

➢ Abaartu waxay saamaynaysaa 810’000 qof, ama 135000 Qoys oo baahan ila March
➢ Abaartu waxay saamaynaysaa 1’202’400 Qof ama 200400 Qoys oo baahani ila April
Suaashu waa maxaa laga qabtay ? 

➢ Baahi- Biyo – 70%
➢ Baahi- Cunto – 21%
➢ Baahi- Caafimaad -9% ( Xoolaha iyo Dadka)

1. Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Heer- Qaran waxaay la kulmeen Hayaddaha UN, INGOs, NGO, civil society, Safiiradda iyo Wakiiladda Somaliland Jooga, iyo Deeq-bixiyaash 18 Kulan.
2. Guddigu Waxaa gaar ula kulmeen Ganacsatadda iyo culumadda Somaliland, si ay qayb uga qaataan samata-bixinta Dadka iyo duunyadda Somaliland,
3. January 2022 waxaa la gaadhsiiyay Dadka Abaartu samaysay  540 Booyadda oo gurmad  ah  oo dhamaanteed Xukumaddu Bixisay ,
4. Hayadda NADFOR waxay  raashin u qaybisay 116000 qof ama 10000 qoys, oo ah 50% baahi-cunto ila March.
5. February 2022 waxaa gaadhsiiyay Booyaddaha dadka u gurmaday 3000 booyadood waxaa iska- kaashaday Xukumadda, Ganacsatadda, Hayadda , iyo Dad muxsiniin ah.

B. Abaarta Biyo

Si wax looga qabto Baahida Biyo la’aan somaliland ka jirtay 3 Qarni, Xukumadda Madaxweyne Muse Biixi Cabdi waxay kordhisay Miisaanaiyadda Wasaaradda Horumarinta Khayraad Biyaha boqolkiiba 300%.

Wasaaradda Horumarinta Khayraad Biyaha Somaliland waxay ka maalgalisay Qasnadda Dawladda sanadaha 2018-2021

S/No Faahfaahin ( Dhamaystiran)      Tiro

1 Ceelasha Dhadheer ee la qoday       32

2 Ceelasha dhaadheer ee la dayactir    66

3 Magaalooyinka la galiyay Biyo           5

4 Dhaam biyo ( Haffir Dams)               12

Ceelasha hadda socda ee gacanta lagu hayo.

1 Ceelasha Dhadheer la qodaayo        8

2  Dhaam Biyo ( Haffir Dams and Renaissance Dams)    2

Siyaasadda Biyaha Somaliland waxaa Saldhig u ah Qabashadda Biyaha Roobka ( Rain Water Harvesting ), Maadama Dhulka Hawdka ah ay adagtahay in Ceelasha  dhaadheer laga gaadho biyo, kharash biyo soo saarka iyo dayactir ceelasha dhaadheer ay aad iyo aad u qaali yihiin, Qabashada Biyaha Roobka waxay sare u soo qaadaan ( water table), iyo falashadda Beeraha.

Xildhibaan oo dhan wada xilkas maaha

La soco,cadadka dambe ( Qorshaha Fog ee Abaaraha Somaliland.