Taiwan “maaha Ukraine” Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha

Shiinaha-(Berberanews)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa Arbacadii sheegtay in Taiwan aanay ahayn “Ukrayn” oo ay weligeed ahayd qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Shiinaha, iyadoo madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ay ku baaqday in feejignaan dheeri ah la muujiyo dhoolatuska milatari ee lagaga jawaabayo qalalaasaha.

Shiinaha oo ku andacoonaya in Taiwan inuu yahay dhul u gaar ah, ayaa kordhiyay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee u dhow jasiiradda iskeed isu maamusha sannadihii la soo dhaafay, inkastoo Taiwan aanay soo sheegin wax dhaqdhaqaaq ah oo aan caadi ahayn oo Shiinuhu dhowaan sameeyay, iyadoo xiisadda Ukraine ay sare u kacday.

Hua Chunying, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, ayaa diiday xidhiidh kasta oo ka dhexeeya xaaladaha Ukraine iyo Taiwan.

“Taiwan maaha Ukraine,” ayay si adag u tidhi. “Taiwan waxay had iyo jeer si aan kala sooc lahayn ugu xidhan tahay Shiinaha. Tani waa xaqiiqo sharci iyo mid taariikhi ah oo aan lagu murmi karin.”

Arrinta Taiwan ayaa ah mid ka timi dagaalkii sokeeye, balse Hua waxa ay sheegtay in daacadnimada Shiinaha ay ahayd in aan marnaba la halis gelin.

Hadalkan ayaa daba socda digniintii ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson uu todobaadkii hore ka digay khatarta ka soo fool leh Taiwan haddii dalalka reer galbeedka ay ku guuldareystaan ​​inay fuliyaan ballamihii ay ku taageereen madax-bannaanida Ukraine.

Berberanews.com