Xog ku saabsan awoodda hubka ee Al-shabaab iyo meelaha ay ka helaan

Muqdisho -(Berberanews)-Machadka Cilmi-baadhista ee Hiraal oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa warbixin uu dhowaan soo saaray waxa faahfaahin lagaga bixiyey qaabka ay Al-shabaab hubka ku helaan iyo inta uu dhan yahay dhaqaalaha ay u adeegsadaan hubka iyo ciidanka.
Warbixinta oo ah mid ku salaysan xog ururin Machadku sameeyey ayaa sheegaysa in Al-shabab ay sannad walba iibsadaan hub tiro badan.

Cilmibaadhidda uu soo saaray Machadka Hiraal ayaa lagu xusay in Al-shabaab ay adeegsadaan hubka fudud iyo midka culus intaba.

Hubka fudud ee ay Al-shabaab haystaan waxa u badan qoriga AK47 oo ah nooc Ruushku sameeyey.

Sida warbixinta lagu xusay waxay Al-shabaab ay adeegsadan hubka hoobiyayaasha ah iyo qoryaha darandooriga u dhaca ee loo yaqaan PKM.

Warbixinta waxa sidoo kale lagu sheegay in Al-shabaab ay haystaan hubka culus oo xataa mararka qaar loo adeegsan karo diyaaradaha.

Machadka Hiraal waxay wareysiyo ka qaadeen dad hore uga tirsanaa Al-shabaab, ganacsato, odayaal dhaqameed iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Diyaaradaha Dronis-ka:

Sida ku cad warbixinta uu soo saaray Machadka Hiraal, Al-shabaab waxay sidoo kale muddooyinkii u dambeeyey ay awood u lahaayeen adeegsiga diyaaraha aan duuliyaha lahayn ee Droniska loo yaqaan.

Warbixinta ayaa lagu yidhi: “Waxa jira caddeymo muujinaya in ay Al-shabaab heleen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.”
Hase ahaatee, sida warbixinta lagu xusay Al-shabaab diyaaradahani uma adeegsadaan weeraro, laakiin waxa la rumeysan yahay inay u adeegsadaan ururinta xogaha.

Waxa ay diyaaradaha Dronis-ka u adeegsadaan sidii ay xogo uga heli lahaayeen saldhigyada ciidammada Amisom iyo kuwa dowladda taagta daran ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu xsuay in Shabab ay isku dayeen in ay hub ku rakibaan diyaaradahan Dronis-ka. Balse ma jiraan weeraro ay ku filiyeen iyagoo isticmaalaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Halkee Al-shabaab ka keenaan Hubka?
Samiira Axmed Geydh oo ah Agaasimaha Guud ee Machadka Hiraal, ayaa BBC-da u sheegtay in Al-shabaab ay hubka ku helaan siyaabo kala duwan.

Mrs Samiira waxay carrabka ku adkaysay waxyaabaha warbixinta ay ku ogaadeen inay ka mid tahay in Al-shabaab ay u sahlan tahay helista hubka.
Waxa ay sheegtay in hubka intiisa badan ay ka helaan dalka Yemen, una soo maro dhanka badda.
“Hubkooda saddex meelood ayuu ka soo baxaa; meesha kowaad waa Yemen oo hubka ugu badan uga yimaad oo waxay isticmaalaan badda,” ayay tidhi.

Samiira ayaa xustay in qaababka kale ee Al-shabaab hubka ka helaan ay ka mid tahay iyagoo suuqyo madow oo ku yaalla gudaha Soomaaliya ka iibsada iyo waliba hubka ay ka furtaan AMISOM marka ay xeryaha ciidammadooda weeraraan.

“Suuqa madow ee Soomaaliya gudaheeda way ka iibsadaan, laakiin sidaas uma tiro badna, tan saddexaadna waa hubka ay helaan marka ay weerarro gaadmo ah ku qaadaan saldhigyada AMISOM,” ayey intaa ku dartay.

Samiira Axmed Geydh ayaa farta ku fiiqday in Al-shabab ay sannadkii ururiyaan lacag dhan 180 milyan dollar, isla markaana lacagtaasi inta badan u adeegsadaan iibsashada hubka iyo arrimaha ciidammada.

@Bbc Somali