Madaxweyne Joe Biden oo cunaqabatayn ku soo rogay ruushka

USA-(Berberanews)-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay “Qaybtii ugu horeysay” ee cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka, oo ay ku jiraan tillaabooyinka lagaga xayuubinayo ilaha dhaqaalaha, isagoo ku andacoonaya in Moscow ay bilowday duulaanka ay ku qaadayso Ukraine.

“Cunaqabataynta deynta madax-banaan ee Ruushka ayaa la fulinayaa.” Taasi waxay la macno tahay in aanu dawladda Ruushka ka jarnay maal-gelinta reer galbeedka,” ayuu yidhi Biden, isaga oo intaa ku daray in cunaqabatayntu ay sidoo kale beegsan doonto hay’adaha maaliyadeed iyo kuwa Ruushka ah.

Hawlgalka uu Ruushku ciidanka ku soo daad gureeyey labada Jamhuuriyadood ee ay Moscow taageerto ee iskood uga dhawaaqay bariga Ukraine ayuu Maraykanku hore ugu tilmaamay inuu yahay “bilawga duullaan”.

Talaabadan ayaa dhacday ka dib markii UK ay ganaax ku soo rogtay bangiyada Ruushka iyo shaqsiyaadka hantida sare leh, halka Germany, oo ah mid ka mid ah xulafada reer galbeedka ee Kyiv, uu joojiyay nidaamka ansixinta mashruuca dhuumaha gaaska ee Nord Stream 2.

Berberanews.net
Info@berberanews.com