IMF oo ku hanjabtay inay degdeg u joojinayso lacagaha ay siiso Somalia

Muqdisho  -(Berberanews)-Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, ayaa muddo saddex bilood gudahood ah ku joojin karta barnaamijkeeda Soomaaliya haddii doorashooyinka muddada dheer qaatay markale ay dib u sii dhacaan, sida uu sarkaal sare u sheegay wakaaladda wararka ee AFP, iyada oo bilawday safar ay ku tagayso Soomaaliya.

“Barnaamijka IMF ee Soomaaliya ayaa dib u eegis lagu sameynayaa badhamaha bisha May, balse dib u dhaca doorashada ayaa ka dhigan in maamulka cusub uusan diyaar u aheyn in uu ku taageero isbeddellada la qorsheeyay in la qabto,” ayay tidhi Laura Jaramillo, madaxa hawlgalka sanduuqa ee Soomaaliya.

“Dib-u-eegista barnaamijka taageerada IMF ee Soomaaliya wuxuu u baahan yahay in la dhammaystiro bisha May 17-keeda ee sannadkan, haddii aan la dhammaystirin taariikhdaas barnaamijku si toos ah ayuu u dhammaanayaa,” ayey u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Taasi waxay si ba’an u saamayn doontaa miisaaniyadda Soomaaliya oo dhaqaaleheedu aanu caga badan ku taagnayn. Sidoo kale waxay saameyn ku yeelan doontaa heshiiska lagu cafinayo deynta lagu leeyahay Soomaaliya kaas oo sannadkii 2018-kii gaareysay $5.2 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Waddamada bixiya deymaha ee ku midaysan ururka Paris Club ayaa isku raacay inay Soomaaliya ka cafiyaan deyn dhan 1.4 bilyan oo dollar.

Go’aankan ayaa Soomaaliya u suurtogalinaya in ay raadsato ilo dhaqaale oo cusub taasi oo gacan ka gaysan doonta dib uga soo kabashada Soomaaliya 30 sanno oo dagaal sokeeeye ah.
Doorashada Soomaaliya ayaa in ka badan hal sano dib u dhac ku yimi, iyadoo doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka lagu wado in la soo gebagebeeyo ugu dambeyn maalinta Jimcaha ah xilli ay dad badan oo goobjoogayaal ah ay sheegayaan inay filayaan inay waqtigaasi dib uga dhici karto. Waxa weli dhiman in ka badan 100 kursi.

“Sida ku cad shuruudaha barnaamijka IMF, deynta Soomaaliya waxay hoos uga dhici kartaa $557 milyan oo doolar ama ku dhawaad ​​lix boqolkiiba wax soo saarka guud ee gudaha horaanta “sannadka soo socda,” taasoo u oggolaanaysa xukuumadda Muqdisho inay soo jiidato maaliyad badan oo ay ka hesho beesha caalamka ayna gacan ka geysato horumarinta ganacsigeeda gaarka ah,” ayey tidhi Jaramillo.

Mid ka mid ah dalalka ugu faqiirsan adduunka oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 70 boqolkiiba dad ku nool wax ka yar $1.90 maalintii, Soomaaliya waxay la tacaalaysaa sidii ay uga soo kaban lahayd tobannaan sano oo dagaallo sokeeye ah, waxayna sidoo kale la dagaallamaysaa kacdoonno Islaami ah muddo tobannaan sanno ah.

Bil kasta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa ka maqan lacag dhan 10 milyan oo doolar si ay ugu daboosho kharashaadka muhiimka ah sida mushaarka shaqaalaha.

Laakiin Jaramillo waxa uu sheegay in maamulada Soomaaliya ay aad uga shaqeeyeen xoojinta hay’adaha dawladda, gaar ahaan dhanka cashuur qaadista iyo xakameynta kharashaadka dadweynaha.

Wax-soo-saarka Soomaaliya ayaa kordhay 2% sannadkii 2021-ki, sida ay sheegtay hay’adda IMF oo tan iyo sannadkii 2015-kii la shaqaynaysay Soomaaliya.

Ballaadhinta waxa sabab u ahaa isticmaalka guryaha oo aad u xooganaa, waxana taas u sabab ah xawaaladaha Soomaalida ee qurbaha, iyo sidoo kale dhoofinta xoolaha, gaar ahaan waddamada Khaliijka.

Lacagaha xawaaladaha sannadkii 2021-kii waxay gaadhayeen in ka badan $2.0 bilyan oo doolar, oo u dhiganta 28 boqolkiiba guud ahaan GDP-ga Soomaaliya, sida ay sheegtay IMF, taasoo saadaalisay kobaca boqolkiiba 3.2 sannadkan 2022.
“Guud ahaan waxaan aragnaa wax badan oo suurtogal ah oo ku aaddan kobaca Soomaaliya ee sannadkan 2022-ka iyo in hore loo socdo,” ayey tidhi Jaramillo.
Balse sannadkan waxa uu ku bilowday xaalad adag oo soo wajahday Soomaalida, iyadoo abaaro ba’an ay saameeyeen afar milyan oo qof oo u dhiganta rubuc guud ahaan dadka nool Soomaaliya, halka in ka badan 550,000 qofna ay dantu ku qasabtay inay guryahooda ka baxaan sababo la xidhiidha cunto iyo biyo la’aan.
“IMF waa inay dib u eegis ku samaysaa saadaasha korodhka dhaqaalaha Soomaaliya haddii xilli roobaadka soo socda uu sidoo kale guuldarraysto,” ayey tidhi Jaramillo.

Dawladda Soomaaliya waxay hadda gargaar dhaqaale siinaysaa ilaa 200,000 qoys oo sabool ah, iyadoo ka faa’iidanaysa barnaamij uu taageerayo Baanka Adduunka, si loola dagaallamo saamaynta isbiirsatay ee abaaraha, dhibaatada ayaxa iyo masiibada Covid-19.
Sidee deyn 5 bilyan oo dollar ah loogu yeeshay Soomaaliya?
Deynta Soomaaliya qaadatay xilligii uu dalka ka jiray xukunkii Kacaanka, ayaa loo adeegsaday mashaariic kala duwan oo la gudo galay wixii ka dambeeyey 1970-meeyadii.
Bogga ka faallooda xaqiiqooyinka caalamka ee Index Mundi, ayaa yaa lagu daabacay sida uu qiimaha deyntu isku beddelay 40-kii sanno ee aan la bixin gudahooda.
“Qiyaastii $70 milyan oo dollar ayey lacagtaasi ahayd sannadkii 1970-kii, halka ay 2011-kiina mareysay $1.6 bilyan oo dollar,” sida lagu qoray bogga Index Mundi.

Hase ahaatee, hadda waxa deynta Soomaaliya lagu leeyahay lagu qiyaasayaa 4.6 bilyan oo dollar.
Waxay dad badan dareensan yihiin in dulsaarka sannad walba fuulayey uu ka batay qiimihii asalka ahaa ee deyntaas.