Culimada Somaliland oo cambaareeyey qarax lagu dilay Sheekh caana

Hargeysa  -(Berberanews)-Qaar ka mid ah culimada waaweyn ee Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan kuwa caasimadda Hargeysa, ayaa si adag u cambaareeyey dilka Sheekhul-baladkii Gobolka Sool marxuum Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ku geeriyooday qarax miino gaadhigiisa loogu xidhay isagoo ku sugnaa magaalada Kismaayo ee dalka Soomaaliya oo uu u tegay hawlo faafinta dacwadda diinta Islaamka ah gelinkii dambe ee maanta.

Bayaan ay caawa soo saareen 44 xubnood oo ka mid ah culimada reer Hargeysa, waxa kaloo ay tacsi u direen qoyska, bulshada Gobolka Sool, ummadda Somaliland iyo guud ahaan culimada bulshooyinka Soomaalida ee uu ka baxay Sheekh Cabdinaasir Yuusuf oo ay ku tilmaameen inuu ahaa tiir weyn oo kaalintiisii dacwadda diinta Islaamka la tabi doono.

Bayaanka culimada caasimadda Hargeysa ka soo saareen geerida Sheekha caanka ahaa ee qaraxa lagu khaarajiyey waxa uu u qornaa sidan:
“Annagoo ku hadlayna afka culimada magacyadoodu hoos ku xusan yihiin ee magaalada Hargeysa, waxa aannu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhammaan ummadda muslimiinta ah, bulsho waynta Soomaliyeed, mujtamaca Somaliland, bahda culimada, ardayda, shacabka Gobolka Sool, ehelka, qaraabada iyo ssxaabta uu ka baxay Sh.Cabdinaasir X. Axmed Yuusuf oo  maanta  lala beegsaday qarax  qorshaysan, isaga oo Sheekhu u joogay safar dacwadeed magaalada Kismaayo ee dalka Soomaaliya.

Culimadu waxa ay kaalin muhiim ah ugu jiraan bulshada Islaamka ah, iyagoo xambaarsan dhaxalkii Nebiga -SCW- kaalintaa soo aanay cid kale buuxin karin.
Sh.Cabdinaasir X.Axmed waxa uu ahaa caalim weyn oo ka mid ah culimada soomaaliyeed ee ku suntanaa faafinta dacwadda Islaamka iyo soo sarista culimada, iyada oo ay ka aflexeen dad farabadan oo kala jooga daafaha dunida.
Sheekhu waxa uu lafdhabar u ahaa nabadda iyo heshiisiinta bulshada iyo weliba ka shaqeynta dhammaan arrimaha khayriga ah.
Sheekhu waxa uu caan ku ahaa in uu bulshada uga digo afkaarta qalloocan ee shaadhka diimeed huwan, laguna bannaysanayo dhiigga dadka muslimiinta ah.
Waxa aannu cod dheer ku cambaaraynaynaa falka foosha xun ee bahalnimada ah ee sheekha lagu dilay, annaga oo Alle u waydiinaynna in uu u aqbalo shahiidnimo maadama oo loo dilay diinta Alle isaga oo faafinteeda ku hawllan, taasoo uu soo waday muddo 50 sannadood ku dhow.
Alle ha caafiyo walaalaha kale ee qaraxaas ku dhaawacmay.
Ugu dambayn, waxa aannu ugu baaqaynnaa bulshada in ay ku xidhnaadaan culimadooda, ka bartaan diintooda, kana feejignaadaan afkaarta leexsan ee diinta aan waafaqsanayn.”
Magacyada culimada soo saaray baaqa tacsiyada:
1. Sh.Maxamed Sh.Cumar Dirir.
2. Sh.Maxamed Cali Jaamac.
3. Sh.Sul. Cawil Faatix Shire
4. Sh.Maxamed Cali Geeddi
5. Dr.C.abdiqani Xussen Maxmed
6. Dr.Khadar Xassan Axmed
7. Dr.Faysal Maxamed Cali
8. Dr.Khiila Cabdiraxamaan Mubaarak
9. Dr.Ciise Maxamuud C laahi
10. Sh.Cabdillaahi Maxamuud Adam
11. Sh.Maxamed Adam Muxumed
12. Sh.Maxamed Ibraahim Jaamac
13. Sh.Mubaarik Muuse Faarax
14. Sh.Cabdillaahi Ibraahim Yuusuf
15. Sh.Maxamed Cabdi Carab
16. Sh.Cabdiraxmaan Aw Axmed  Cabdi
17. Sh.Cabdiaxmaan Adam Cige
18. Sh.Ibraahim Axmed Xirsi.
19. Sh.Maxamed Cali Biixi.
20. Sh.Maxamed Caydiid Muxumed
21. Sh.Mukhtaar Cismaan Yuusud
22. Sh.Mahad Maxamed Cabdillaahi
23. Sh.Naasir Cali Barkhad
24. Sh.Cabdifataax Axmed  Ismaaciil.
25. Sh.Mahad Xussen Axmed
26. Sh.Ibraahim Sh.Naasir Maxamed
27. Sh.Maxamed C.laahi Ibraahim
28. Sh.Axmed Cali Xasan
29. Sh.Cabdikariim Sh Maxamed Madar.
30. Sh.Maxamed Ibraahim Yaasiin.
31. Maxamuud C.laahi Jaamac
32. Sh.Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax
33. Sh.Guuleed C.laahi Axmed
34. Sh.Dayib Cabdiraxmaan Isxaaq
35. Sh.Mahad Maxamed Xusseen
36. Sh Maxamed Cabdi Haybe.
37. Sh.Ciise Axmed Ciise.
38. Sh.Cabdilllaahi Cismaan Yuusuf
39. Ex Badhasaab Axmed Cabdi Falay.
40. Sh.Caydaruus Daa’uud Cismaan.
41. Sh.Sharma’arke  Maxamed Ciise
42. Sh.Adam X. Maxamed Idriis.
43. Sh.Ducaale Dubbad Maxamuud.
44. Sh.Cabdillaahi Cabdiraxmaan Jaamac.