Ruushka oo ka fiirsanaya aqoonsiga gobollada gooni u goosadka Ukraine

Ukraine-(Berberanews)-Madaxweyne Vladimir Putin, ayaa sheegay in Ruushku maanta go’aan ka gaadhi doono inuu aqoonsado madaxbannaanida laba goobood oo ka go’ay bariga Ukraine iyo in kale.

In kasta oo heshiis xabbad joojin ah la gaadhay, fallaagada uu Ruushka taageero ee Donetsk iyo Luhansk waxay kula dagaallamayeen ciidammada Ukraine Donetsk iyo Luhansk tan iyo 2014kii.

Isniintii, hoggaamiyeyaasha labada gobol waxay ku boorriyeen Ruushka inuu aqoonsado madax-bannaanidooda.

Dhinaca kale, dowladaha reer galbeedka ayaa ka walaacsan in tallaabadan oo kale loo adeegsado marmarsiinyo uu Ruushka ku soo galo deriskiisa.

Tan iyo bilowgii 2019, Ruushku wuxuu baasabooro u soo saaray tiro badan oo  ah dadka deggan labada gobol.
Sida laga soo xigtay falanqeeyayaasha, haddii labada aag loo aqoonsado inay madax bannaan yihiin, Ruushku wuxuu u diri karaa askar bariga Ukraine si ay u ilaaliyaan dadka deggan.

Ruushka ayaa in ka badan 150,000 oo askari ku ururiyay xudduudaha Ukraine, tallaabadaas oo ay badi dalalka reer galbeedku ku macneeyeen mid horudhac u ah duulaan.

Ruushka ayaa si adag u diiday hamigaas. Sida laga soo xigtay warbaahinta Ruushka, Mr Putin ayaa khudbad telefishanka ah u jeedin doona shacabka dalkaas fiidnimada Isniinta, balse lama shaacin waqti cayiman.

Mr Putin waxa uu sheegay in uu ka fiirsanayo in labada dhul ee ka go’ay uu u aqoonsado dawlad ahaan intii lagu jiray shir telefishanka laga sii daayay oo golaha ammaanka ee Ruushka Isniintii.

“Ujeedka kulankeena maanta waa inaan dhageysano asxaabta oo aan go’aan ka gaadhno tillaabooyinka xiga ee aaggan,” ayuu yidhi Mr Putin.

“Waxaan tixraacayaa labada madax ee Jamhuuriyadda Dadka Donetsk iyo Jamhuuriyadda Dadka Luhansk codsigooda Ruushka ee aqoonsiga madax-banaanidooda,” ayuu sii raaciyay.