3 qof oo ku dhintay diyaarad dagaal oo ku burburtay dalka Iran

Tehran-(Berberanews)-Diyaarad dagaal ayaa ku burburtay deegaan u dhow magaalada Tabriz ee dalka Iiraan, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof.

Masiibadan ayaa galaaftay nolosha labo duuliye iyo qof kale oo saarnaa gaadhi dhulka yaalay oo diyaaradu ku dul dhavday.

Diyaaradan oo nooceedu yahay F5-ta loo isticmaalo tababarrada, ayaa u burburtay cilad farsamo, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada deegaanka oo lagu magacaabo Reza Yousefi, oo warbaahinta dowladda kula hadlay goobta ay musiibadu ka dhacday.

Waxa uu labada duuliye ku amaanay sida ay naftooda u hureen iyaga oo diyaarada ku soo dajiyay meel banaan ah oo u dhaw goob isboorti, iyaga oo ka fogaanaya xaafadaha la degan yahay.

Shilka Diyaaraddu waxay kusoo beegantay aagga ay ku dhacday iskuulka oo madhan sababo la xidhiidha xannibaadaha COVID-19, ayuu raaciyay, marka lagu daro gaadhiga rayidka.

“Labadan duuliye waxay naftooda u hureen si aanay diyaaraddu ugu dhicin xaafad.” “Waa ay ka bixi kareen, laakiin way iska joogeen oo waxay ku guuleysteen inay ka leexiyaan aagga la deggan yahay,” Yousefi ayaa sidaas u sharraxay warbaahinta.

Shilka ayaa dhacay abaare 8 subaxnimo (04:30 GMT), sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada, kaasoo duuliyeyasha ku sheegay Sadegh Falahi iyo Alireza Hanifehzad.

Berberanews.net Info@berberanews.com