Wasiirka Batroolka Somalia oo kashifay sir culus

Wasiirka Batroolka Soomaaliya: “Heshiiska shidaalka waxa ila ogaa madaxweyne Farmaajo, waxana lagu qaatay 7 milyan oo dollar”

Muqdisho  -(Berberanews)-Wasiirka Batroolka Soomaaliya Mr Cabdirashiid Maxamed Aadan, ayaa ku adkaystay in madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiska shidaal baadhiseed ee uu u saxeexay shirkadda Coastline Exploratation.

Wasiirka batroolka ayaa sheegay in heshiiska 15-ka bishan qallinka lagu duugay, isla marlaana ay dawladda Soomaaliya saxeexiisa ku helayso 7 million oo dollar oo bil kadib lagu shubi doono Bangiga Dhexe.

“Faylkan waa si qaas ah u hayay aniga iyo madaxweynaha, muddo dheerna ka wada shaqeynayay, hadday noqoto sharcigii shidaalka, hadday noqoto in heshiiskan lala galo shirkaddaha shidaalka,”  ayuu yidhi wasiirka batroolka.

Wasiirka Batroolka waxa uu sheegay in heshiiska shidaalku tilmaamayo in laga qodi doono deegaannada Koonfur-galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, balse ma sheegin goorta uu billaaban doono fulinta heshiiskan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay si adag sharci-darro ugu sheegay heshiiskan, isagoo iska fogeeyey inuu wax ka ogyahay, waxaannu xusay in dawladda Soomaaliya ay hore u joojisay in wax heshiis ah la galo inta lagu jiro arrimaha doorashada.
Raysal wasaare Rooble ayaa isaguna sharci-darro ku sheegay heshiiska, wuxuuna ku tilmaamay khiyaamo qaran oo lagu boobayo hantida ummadda.