Siyaasi Cali-guray oo ka hadlay kulan dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo Cirro

Hargeysa-(Berberanews)-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) ayaa ka hadlay kulan dhexmaray xalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Siyaasi Cali ayaa qoraal kooban oo ku baahiyey bartiisa waxa uu ku yidhi sidan:
“Kulan Khayr Leh Insha Allah
Guusha Somaliland waa labadan musharax oo ku heshiiya in sharcigu sarreeyo Komishankuna hawshiisa u madaxbannaanaado, maadaama aanay jirin wax caqabado ah khariidaddii tubta doorashada (road map) iyo kharashkii doorashada madaxtooyaduna ay diyaar u yihiin xeerkina dhammaystiran yahay.
Soomaalidu waxay tidhaa “haddii aad aragto meel lagu heshiin waayey ama qodob aan meesha ku jirin baa la doonayaa in la soo geliyo ama qodob ku jiray baa la doonayaa in laga saaro”. Markaa haddii aan labadaa midna aannu jirin waa heshiis dhab ah.
Waxa kale oo la yidhi meel heshiis yaal duco uma baahna, meel khilaaf yaallaana habaar uma baahna. Markaa insha Allah sidii khayr leh iyo doorashada Madaxtooyada oo loo dareero 13 November haddii Allaah yidhaa.”.