Madaxweynaha Somaliland oo la filayo inuu safar ugu baxo Jabuuti berri

Hargeysa  -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu horkacayo, ayaa la filayaa inuu safar ugu baxo dalka Jabuuti berri Isniinta.

Ma jiro wax war oo ka soo baxay Madaxtooyada iyo xukuumadda Somaliland toona oo ku saabsan safarka Madaxweynaha, balse ilo xogogaal ah ayaa daaha ka fayday in Madaxweyne Biixi socdaal ugu baxayo Jabuuti berri.

Sidoo kale, ilaa hadda wax xog ah lagama hayo ujeeddada safarka la filayo in Madaxweynaha Somaliland ku tegayo xilligan Jabuuti iyo arrimaha ay ka wadahadli doonaan madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Geelle.

Jabuuti ayaa ah dalka uu safarrada ugu badan ku tagay Madaxweyne Muuse Biixi muddada uu xilka hayey.
Waxa xusid mudan in waddanka Jabuuti uu ka taagan yahay qalalaase siyaasadeed oo sababay in la xidho taliyihii ciidammada booliska dalkaas iyo siyaasiyiin kale, kadib markii sida la sheegay looga shakiyey falal liddi ku ah maamulka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Berberanews.net
Info@berberanews.com