Ethoipia-(Berberanews)-Itoobiya ayaa markii ugu horreysay bilowday inay tamar ka soo saarto biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo ah dhisme aad u weyn oo koronto-dhal ah oo ku yaal webiga Niil, taas oo Sudan iyo Masar ay ka cabsi qabaan inay ka dhalato biyo yaraan daran.
Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay daaray matoorada biyo-xidheenka weyn maalintii Axadda, isaga oo xusay daqiiqad biyo-dhaamis ah mashruuca balaayiin doollar ku baxeen ee muranka dhaliyay.

Abiy ayaa kula wareegay xarunta korontada laga dhaliyo isaga oo ay la socdaan mas’uuliyiin sarsare, isagoo taabtay badhanno dhowr ah oo ku saabsan muraayadda elegtarooniga ah, kuwaasoo ay mas’uuliyiintu sheegeen inay billaabeen wax-soo-saar.
Ra’iisul wasaaraha ayaa isku dayay inuu u xaqiijiyo wadamada deriska ah in dowladiisa aanay ku tala jirin inay danahooda wiiqaan.

“Ujeedada ugu weyn ee Itoobiya waa in la gaadhsiiyo boqolkiiba 60 dadka mugdiga ku jira,” Abiy ayaa yidhi,
“si loo badbaadiyo shaqada hooyooyinkeena kuwaas oo dhabarka ku qaada alwaax si ay tamar u helaan.”
“Sida aad arkaysaan, biyahani waxa ay dhalin doonaan tamar iyaga oo u sii qulqulaya Sudan iyo Masar sidii hore, taas oo lid ku ah wararka sheegaya in dadka iyo dawladda Itoobiya ay biyo xidheeno ka samaynayaan wabiga si ay u gaajoodaan Suudaan iyo Masar.


Wasaaradda arrimaha dibadda Masar, ayaa dhinaca kale ku eedaysay Itoobiya inay “ku sii adkaysanayso xad-gudubkeeda” heshiis horudhac ah oo ay saddexda waddan wada gaadheen sannadkii 2015-kii, kaas oo ka mamnuucaya in labada dhinac midkoodna uu si keligiis ah u isticmaalin biyaha webiga.