Hanti-dhowrka Somalia oo sharci darro ku tilmaamay heshiis lala galay shirkad shiidaal

Muqdisho-(Berberanews)- Hanti-dhowraha Guud ee Somalia ayaa sheegay in hannaanka iyo hanaanka loo maray heshiiska Wasaarada Batroolka iyo Macdanta uu kasoo horjeedo dastuurka, kana digay khayarta ay arrintaasi ku leedahay khayraadka ummadda.

Hanti-dhowrka, ayaa sheegay inuu ku wargeliyey wasaaradda iyo dhinacyada ay khusayso inuu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka.

Halkan ka akhriso war-saxaafeedka.