Sool: Carruur ku dhaawacmay qarax miino

Laascaanood -(Berberanews)-Shan carruur ah ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay degaanka Dharkayn-geeyo oo dhaca koonfurta Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland duhurnimadii maanta.

Qaraxa carruurtu ku dhaawacmeen ayaa ka dhashay, kadib markii miino dhulka hoostiisa ku aasnayd ku qaraxday gaadhi marayey goob ay ku ciyaarayeen.

Guddoomiyaha Degaanka Dharkayn-geenyo Mr Ismaaciil Axmed Ismaaciil, ayaa sheegay in carruurta ku dhaawacmay qaxaas loo qaaday dhinaca cusbitaalka magaalada Laascaanood oo haatan lagu dabiibayo.