Xukuumadda oo farriin hanjabaad ah u dirtay ganacsatada Somaliland

Hargeysa -(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa farriin digniin iyo hanjabaad ah u dirtay ganacsatada dalka, kadib sicir-barar baahan oo sameeyey nolosha bulshada.

“Ganacsatada ka yeeli mayno in ay waxay doonaan saaraan dadka. Wax kasta ummadda lagu badbaadinayo xukuumaddu waa samaynaysaa, mushkiladda sicir-bararkuna ma aha mid maanta xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiyo ay sababtay ee waa wax dibadda innooga yimi.” Sidaa waxa yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Md Muuse Ibraahim Yuusuf  Salaf.

Berberanews.com
Info@berberanews.com