Xukunka Macalin u dhashay Indonesia oo kufsaday 13 gabdhood oo arday ah

Indonesia-(Berberanews)-Maxkamad ku taal dalka Indonesia, ayaa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay mulkiilaha dugsi boodhin ah oo u dhashay dalka Indonesia, ka dib markii lagu helay inuu kufsaday 13 gabdhood oo ardaydiisa ah.

Tan iyo markii kiiskiisa si rasmi ah loo soo bandhigay sannadkii hore, weerarka Herry Wirawan ee dumarka da’doodu u dhaxayso 11 ilaa 16 ayaa ka nixiyay dadka Indonesian ah.

Wirawan, oo ah macalin diini ah, ayaa hablahan uureeyay sideed ka mid ah tan iyo 2016-kii. Dacwad oogayaasha ayaa ka codsaday maxkamada in ay ku xukunto dil toogasho ah.

Si kastaba ha ahaatee, salaasadii, fadhi maxkamadda degmada Bandung ayaa xukuntay in 36-jirkan lagu xukun xabsi daa’in. Waxay sidoo kale diideen codsigii xeer ilaalinta ee ahaa in Wirawan lagu soo shubo kiimikaad.

Sanadaha xadgudubka ayaa la shaaciyay ka dib markii mid ka mid ah waalidiinta dhibbanayaasha ay ogaadeen in ilmahoodu uur leedahay bishii March ee sannadkii hore.

Wirawan waxa uu xadgudubyo galmo ah ku hayay ardayda tan iyo 2016-kii, markaas oo uu ka bilaabay dugsigiisii ​​hoyga ah ee Islamiga ahaa ee Bandung, Galbeedka Java, sida ay sheegtay maxkamadda.

Gabdhahan ayaa si gaar ah u nugul, sida ay sheegtay maxkamaddu, sababtoo ah waxay ahaayeen kuwo ka soocan qoyskooda oo aan awoodin inay la xidhiidhaan maalin kasta.

Taleefannadii waa laga qaatay, waxaana loo oggolaaday inay qoysaskooda booqdaan sannadkii hal mar.

Dacwad oogayaasha ayaa dalbaday ciqaab dil ah, iyo sidoo kale in lagu shubo kiimiko iyo magdhowga dhibbanayaasha oo dhan $300 milyan rupiahs ($21,000).

Dhibane kasta wuxuu dawladda Indonesia ka heli doonaa ilaa 85 milyan oo rupiah Indonesian ah ($5945; £4394) oo magdhow ah.

Berberanews.com

Info@berberanews.com