Shan qof oo Eritrean ah oo dabley hubaysani ku dileen xero qaxooti

Eritrea-(Berberanews)-Ugu yaraan shan qaxoonti Eritrean ah ayaa la dilay horraantii bishan, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay, ka dib markii kooxo hubaysan ay weerareen xero ku taal gobolka Canfar ee woqooyi-bari ee Itoobiya, halkaas oo ay ka dhaceen iska horimaadyo u dhexeeya dawladda iyo fallaagada ka soo jeedda gobolka ay deriska yihiin ee Tigray.

Dhowr haween ah ayaa sidoo kale lagu afduubay weerarkii kaamka Berhale, sida laga soo xigtay hay’adda caalamiga ah, dad badan oo deganaana way baxsadeen, xubnaha qoysaskuna ay ku kala fogaadeen masiibadan.

Markii uu qarxay iskahorimaadka sokeeye 15 bilood ka hor, in ka badan 100,000 oo qaxooti Eriteriyaan ah ayaa degganaa gobollada Tigray iyo Canfar; kumanaan ayaa hadda maqan.

Eriteriyaanka oo ka cararaya cadaadis siyaasadeed iyo askartii qasabka ahayd ayaa sanado badan magangalyo u raadsaday xeryaha Itoobiya.

Waxaa soo weeraray labadooduba askarta Eritrea oo ka barbar dagaalamayay ciidamada dowladda Itoobiya iyo fallaagada Tigrayga tan iyo markii ay qalalaasaha ka bilowdeen Itoobiya bishii Nofeembar 2020.

Inkastoo dagaaladii ka dhacay qeybo badan oo ka tirsan waqooyiga Itoobiya ay hoos u dhaceen, iska hor imaadyada militari ayaa weli ka socda Canfarta, halkaasoo maamulka gobolka uu ku eedeeyay fallaagada Tigrayga inay gardaro iyo weeraro ay ku qaadeen badhtilmaameedyo rayid ah. Ciidamada Tigreega ayaa beeniyay.