Qoysas Itoobiyan iyo Suudaani lottery helay oo dacwaynaya Maraykanka

USA-(Berberanews)-Qoysas ka soo jeeda dalalka Suudaan iyo Itoobiya oo ku guulaystay bakhtiyaanasiibkii ay ku tegayeen dalka Maraykanka, ayaa dawladda ku dacweeyay dib u dhac ku yimi sharciyadii ay ku geli lahaayeen.

Tallaabadan oo loogu magac daray Tesfaye vs Blinken, ayaa ku andacoonaysa in dawladda Maraykanku ay si xaq-darro ah dib ugu dhigayso dhageysiga fiisaha dal-ku-galka, iyadoo diidaysa inay kiisaskeeda u wareejiso safaarado kale oo aan ahayn kuwa Khartoum iyo Addis Ababa, kuwaas oo aan dib u bilaabin habayn fiisayaadha caadiga ah.

Ilaa uu garsooruhu soo faragaliyo mooyaane, dhammaan ku guulaystayaasha barnaamijka fiisaha waa in loo qorsheeyaa waraysiyada fiisaha muhaajiriinta ka hor dhamaadka sanad xisaabeedka, kaas oo ah Sebtembar 30, sida uu qabo sharciga socdaalka iyo jinsiyada Maraykanka.

Qoysasku waxay haystaan ​​”fursad nolosha oo dhan hal mar soo martay si ay u noqdaan degganaansho rasmi ah,” sida uu sheegay mid ka mid ah qareennada u doodaya, laakiin dawladdu “waxay sii waddaa inaanay mudnaanta siin” kiisaskooda.

“Waxay lumin doonaan fursad dahabi ah, Mareykankuna wuxuu lumin doonaa fursad dahabi ah,” ayuu ku dooday Curtis Lee Morrison.

Berberanews.com
Info@berberanews.com