Beledweyne: Diyaarado siday ciidammo xooggan iyo ergo dooranaya Fahad Yaasiin

Baledweyne -(Berberqnews)-Laba diyaaradood oo mid ah wadday ciidammo xooggan, aadna u hubeysan oo la sheegay inay yihiin ilaalada La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Mr Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah sarkaal awood badan, ayaa ka degay magaalada Baledweyne ee badhtamaha dalka Soomaaliya duhurnimo Jimcaha maanta.

Magaalada Baledweyne, ayaa la filayaa inay ka dhacdo doorashada xubno ka mid noqon doona Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Warku waxa uu intaas ku daray in diyaaradda labaad sidday ergo loo soo xulay inay Fahad Yaasiin oo loo yaqaan Mulkiilaha Dawladda Soomaaliya u doortaan kursiga xildhibaanno tirsigiisu yahay HOP 086 , kaas oo sida muuqata looga qaaday xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo hore ugu fadhiyey, haatanna safar cafimaad ugu maqan yahay dalka dibaddiisa.

Ergada diyaaradda lagu geeyey Baledweyne, ayaa la sheegay in la dejiyey xeryo ciidammada AMISOM ku leeyihiin xaafadaha Ceel-jaalle iyo garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.
Kursiga loo xidhay Fahad Yaasiin ee tirsigiisu yahay HOP 086, waxay doorashadiisu dhacaysaa maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 20 February 2022.

Waxa saacadahii la soo dhaafay soo baxayey warar kala duwan oo sheegayey in la hakinayo kursiga HOP 086, inkastoo Guddida Doorashada ee Hirshabeelle  shaaciyeen galinkii dambe ee maanta in doorashada kursiga Fahad Yaasiin awoodda ku boobayo ay dhici doonto Axadda, isla markaana aanay jirin sabab loo hakiyo.

Berberanews.com
Info@berberanews.com