Beledweyne-(Berberanews-)Taliyihii saldhigga Booliska magaalada Baledweyne Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage), ayaa lagu dilay iska hor imaad ka dhacay gudaha saldhigga oo dhexmaray ciidamada Harimacad iyo Ciidan kale oo dowladda ka wada tirsan.
Taliye Duurdage, ayaa ku dhintay israsaasayn saldhigga ku dhexmartay ciidammada,lamana xaqiijin in dilkiisu kas ahaa iyo in kalr, iyadoo wakhtiga dilku dhacayna saldhiga lagu soo xidhay dad badan oo lagu soo qabqabtay hawlgal gudaha Beledweyne ay ka sameeyeen ciidanku.
Ma jirto cid faahfaahin ka bixisay sababta keentay iska hor imaadka dhexmaray ciidammada ka wada tirsan dowladda Somalia ee uu ku dhintay Taliyihii saldhigga Booliska magaalada Baledweyne Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage).