Masuulliyiin ka socda Shirkadda Shidaalka ee Genel Energy oo Berbera soo gaadhay

Berberanews(Berberanews)-maamulaha Shirkadda Shiidaalka ee Genel Energy Mr. Bill Higgs, ayaa safar shaqo ku yimi magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi , ayaa hoggaaminayay masuulliyiinta ka socda Shirkadda Genel, waxaana Berbera kusoo dhaweeyay Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Sicìid Xasan Cabdillaahi.

Weftiga ka socda Shirkadda Genel waxay kormeer ku tegeen Dekedda Magaalada Berbera oo ay soo indho indheeyeen.

“Waxa aannu ku soo dhaweynay Dekedda Caalamiga ee Berbera, wefti ka socda Shirkadda Shidaalka ee Genel Energy. Weftigan oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta JSL iyo Maamulaha Guud (CEO) ee Shirkadda Caalamiga ah ee Genel Energy Mr. Bill Higgs.  Waxa aannu ku soo wareejinay qaybaha kala duwan ee Dekedda Berbera.” Sidaa waxa yidhi Maareeyeha Dekedda Berbera.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa shalay lagu soo dhaweeyey magaalada War-idaad oo ka tirsan Gobolka Saraar,

Weftigan oo Wasiirka ku wehelinayaan masuuliyiin sar sare oo ka socda Shirkadda GENEL ENERGY, xubno kamida Agaasime-waaxeedyada iyo khubarrada wasaaradda, ayaa kulan la yeeshay maamulka degmada, cuqaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanka degmadaasi, kuwaasoo ay uga warameen ujeeddada socdaalka iyo geedi-socodka qorshaha shidaal qodista.
Cuqaasha iyo aqoonyahanka degmada War-Iddaad iyo gobolka Saraar oo kulanka hadallo ka jeediyey, ayaa si diirran oo dareen waddaniyadeed leh u soo dhaweeyey talaabadan ay wasaaraddu hogaaminayso ee lagu tuujinayo illaha khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan ee gobolkaasi, gaar ahaan degmadooda, waxaanay balan-qaadeen inay si buuxda ula shaqaynayaan oo gacan iyo garab ku siinayaan Xukuumadda iyo Shirkaddaha fulinaya hawlgalkaasi ilaalinta nabad-gelyada iyo wax kasta oo looga baahdo.

Sidoo kale, waxa ay Odayaasha iyo hormuudka bulshadu sheegeen inay ku faraxsan yihiin, kuna niyad-san yihiin deddaalka ay Dawladdu gelinayso ka faa’idaysiga Khayraadka dalka, kaasoo ay tilmaameen inuu furre u noqonayo horumarka dhaqaalaha dalka.

Berberanews.com
Info@berberanews.com