KULMIYE oo ku eedeeyey xisbiga WADDANI borobogaando iyo kicin dadweyne

Hargeysa-(Berberanews)- Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Mr. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa ku eedeeyey xisbiga mucaaradka ee WADDANI in uu buunbuuninay xaaladda sicir-bararka dalka ka jira, shacabkana kicinayo.

Mr Buuni ayaa ku andacooday in la buunbuuninayo xaaladda sicir bararka “Shacabka Somaliland halka maanta la gaadhsiinayo ee la siyaasadaynayo Alle waa ka kor yeelay, dhibaatadooduna ma gaadhsiisna.”
Afhayeenka KULMIYE, waxa uu ku eedeeyey xisbiga WADDANI inuu siyaasadaynayo xaaladda sicir bararka, isla markaana ka shaqaynayo shacab kicin.

“Xisbiga waxan abaabulay ee isku dubba-riday, ee warbaahintii xafiisyadooda ka shaqaynaysay dalka uga dhigayeen in wax weyn dalkan ka siyihiin, in gaajo loo dhimanayo, in noloshii dadku meel halis ah marayso, waxaas oo dhanna waxay ahayd mid uu abaabulay xisbiga Waddani,” ayuu yidhi Buuni.

Berberanews.com
Info@berberanews.com