Ingiriiska oo cambaareeyey xukun qisaas Somaliland ku fulisay 4 gacan-ku-dhiigle

Hargeysa -(Berberanews)-Dawladda Ingiriiska, ayaa cambaaraysay xukun qisaas dil ah oo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ku fulisay afar gacan-ku-dhiigle shalay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsanaa ciidammada Somaliland, kuwaas oo hore xukunno loogu riday, kadib markii lagu helay inay dilal geysteen.

Wakiilka dawladda Ingiriiska u joogta Hargeysa Mrs Lizzie Walker, ayaa qoraal ay soo saartay shalay waxay ku cambaaraysay xukunka dilka toogashada ah ee lagu fuliyay askarta ka tirsanaa ciidammada Somaliland ee hore dilalka u geystay.

Wakiilka ayaa tilmaamtay inay aad walaac u gelisay toogashada lagu fuliyay askarta, isla markaana sheegtay in dowladda Ingiriisku ka soo horjeeddo xukunka dilka ah ee qisaasta, iyadoo ku andacootay in ciqaabta dilka ah meel ka dhac ku tahay sharafta qofka.

“Waxa aad noo walaac galiyay qisaasta laga fuliyay Somaliland, halka ay UK ka taagan tahay si fiican ayaa loo yaqaan. Waannu ka soo horjeednaa qisaasta oo dhan wakhti kasta iyo duruuf kasta, ciqaabta dilku waa mid aan ku habboonayn sharafta aadanaha. Waxba kama tarto ka hortagga dembiyada,” ayey tidhi Walker.

Ingiriiska iyo dowladaha kale ee reer Yurub, ayaa badanaa ka qayliya markasta oo Somaliland dil ku fuliso qof gacan-ku-dhiigle ah.