Brazil-(Berberanews)-Saraakiisha magaalada Petrópolis ee Brazil ayaa sheegay in in ka badan 100 qof ay ku dhinteen dhul go’ iyo daadad.
Magaalada, oo ku taal buuraleyda sare ee waqooyiga Rio de Janeiro, ayaa daad qaaday.
Daadad ayaa kusoo rogmaday waddooyinka magaalada, kuwaas oo burburiyay guryo ku yaallay xaafadaha buuraha ku yaal, waxaana ay qaadeen baabuur.
Shaqaalaha goobitaanka iyo samatabbixinta waxay raadinayaan kuwa ka badbaaday. Habeenimadii Arbacada 24 qof ayaa la daadgureeyay iyagoo nool, sida uu sheegay Difaaca Madaniga ah ee Qaranka Brazil.
Muuqaallada baraha bulshada ayaa muujinaya burbur xooggan iyo baabuur dhex sabeynaya waddooyinka.
“Xaaladdu waxay ku dhowdahay inay la mid tahay dagaal… Baabuurta jararka ka laadlaada, baabuur rogmaday, dhoobo iyo biyo meel walba ku yaalla,” ayuu guddoomiyaha Rio de Janeiro, Cláudio Castro u sheegay suxufiyiinta.
Wuxuu sheegay in dadaallada baadigoobka iyo samatabbixinta ay socon doonaan muddo aan la cayimin sababtoo ah in ka badan 30 qof ayaa la waayay.
Berberanews.com
Info@berberanews.com