Somaliland oo dil toogasho ah ku fulisay 4 gacan-ku-dhiigle

Madheera -(Berberanews)-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dil qisaas toogasho ah ku fulisay afar gacan-ku-dhiigle duleedka Xabsiga Madheera ee Gobolka Saaxil subaxnimadii hore ee saaka.
Maxaabiista la toogtay oo hore dilal u geystay, ayaa laga qaaday xabsiga Hargaysa oo ay ku xidhnaayeen, iyadoo la geeyey Jeelka Madheera gelinkii hore ee shalay.
Shalay illaa xalay waxa aad loo adkeeyey agagaarka xabsiga Madheera iyo goobta dilka qisaasta ah lagu fuliyey oo jeelkaas ku dhow.
Afarta qof ee la qisaasay ayaa dilal ka gaystay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.