Gardarro iyo xadgudub ayey xisbiyada mucaaradku u xagxaganayaa Wasiir Saajin

A.A. Sheekh
Masuuliyiin iyo taageerayaal ka tirsan xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan xisbiga WADDANI iyo weliba shaqsiyaad ujeeddooyin kale ka leh, ayaa muddooyinkii u dambeeyey si isdabajoog ah weerar afka ugu hayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Siciid Saajin oo ay dusha u saaraan masuuliyadda sicir-bararka saameeyey guud ahaanba bulshooyinka caalamka oo dhan, isla markaana aan ahayn mid dalkeenna uun ku kooban.
Wasiir Saajin wax uu ka qabto Sicir-bararka iyo dhibaatooyinka jira hadda ma jirto.


Waxa muhiim in Wasiirka lagu ixtiraamo xilgudashada masuuliyadda shaqo ee uu qaranka ugu xilsaaran yahay oo aan haba yaraatee wax dayac ah ka muuqan, laguna sheegin.
Waxaan si buuxda uga raalligelinaynaa Wasiirka Ganacsiga weerarrada qaawan iyo eedaymaha caddaalad-darrada ah ee uga yimi qaar ka mid ah qaybaha bulshada, siiba madaxda iyo taageerayaasha xisbiyada mucaaradka.
Wasiir Saajin waxa uu xilkiisa u gutaa si xilkasnimo leh oo aan wax dhaliil ah u hayn qaylo-dhaanta iyo dhiilada ku saabsan aafada sicir-bararka ee hadda ka taagan dalka Somaliland.


Waan ka xunnahay mudane Wasiirka dadka faafinaya faallooyinka iyo wararka borobogaandada ah ee kugu dhejinaya dhibaato aanad adigu wax eed ah ku lahayn runtii.
Waxa kale oo ayaan-darro iyo wax laga xishoodo ah in xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan xisbiga WADDANI oo arrinta sicir-bararka ka dhigto olole siyaasadeed, halkii looga baahnaa inuu kaalintiisa ka qaato sidii qaran ahaan dhibaatooyinka bulshada la soo dersa wadajir loogu guntan lahaa wax-ka-qabashadooda.
Dhacdooyinka argagaxa leh ee arrintan ku saabsan waxa ka mid in Murashaxa Madaxweynaha ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu sawir la soo galo hooyo waayeel danyar ah oo warbaahinta kaga cabatay duruufaha nololeed ee qoyskeeda, isagoo isu dhigaya inuu damqasho iyo gurmad ugu tegay, balse qasdigiisu yahay inuu olole siyaasadeed ka dhigto.
Qolyaha caadifadda iyo ujeeddooyinka kale u xagxagnaya Wasiir Saajin waxaan kula talinayaa xaqiiqda hortiina taalla ha is-diidsiinina, haddii kale dagaalkiinu wuxuu u muuqanayaa mid ku salaysan cunsuriyad iyo takoorid cid gaar ah ku jihaysan, gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.

A.A. Sheekh