Wefti ka socda dawladda Ingiriiska oo ku soo wajahan Hargeysa

London -(Berberanews)-Wefti ka socda dawladda Ingiriiska oo uu  jiro xildhibaan Gavin Williamson oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka UK ee aadka ugu ololeeya qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la filayaa inay socdaal ku yimaaddaan caasimadda Hargeysa, 17ka bishan oo ku beegan Khamiista toddobaadkan

Ujeeddada socdaalka weftiga Ingiriiska ah, ayaa la sheegay inuu la xidhiidho xoojinta qaddiyadda aqoonsi-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin mashaariicda horumarineed ee dawladda UK ka fuliso dalka.

Xildhibaan Gavin Williamson oo ah mudanaha Baarlamaanka UK horgeeyey mooshinkii doodda aqoonsiga Somaliland, ayaa hore u yimi  Hargeysa dhowr sanno ka hor xilligaas oo uu ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Ingiriiska.

Sidoo kale, weftiga waxa xubno ka ah xildhibaanno, masuuliyiin xukuumadda London iyo siyaasiyiin magac weyn ku leh dalka Ingiriiska.

Berberanews.com
Info@berberanews.com