Taliyeyaasha Ciidammada Djibouti oo loo xidhay afgembi ka dhana dowladda

Jabuuti -(Berberanews)-Taliyeyaasha guud ciidammada Millateriga iyo Booliska ee waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa la geliyey xabsi guri, kadib markii lagu eedeeyey inay maleegayeen inqilaab ay doonayeen in ay xukunka kaga tuuraan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dalkaas xukumayey 22kii sannadood ee la soo dhaafay.

Ilo-wareedyo muhiim ah, ayaa xaqiijiyey xadhigga saraakiisha kala hoggaamiya labada ciidan ee ugu tirada iyo tamarta badan dalka Jabuuti, kadib markii hay’adaha mukhaabaraadku ka warheleen afgembi ay la maagganaayeen dawladda Madaxweyne Geelle.

Ma jiraan warar rasmi ah oo faahfaahin buuxda ka bixinaya sida wax u dhaceen.
Hase ahaatee, xogaha soo baxay ayaa tibaaxay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle amar ku bixiyey in Taliyeyaasha Millateriga Jeneraal Zakariye Sheekh Ibraahim iyo Booliska Korneyl Cabdillaahi Cabdi Faarax la geliyo xabsi guri, isla markaana guryahooda la dul-dhigay ciidammo xooggan oo isugu jira kuwa Nabadsugidda iyo Ilaalada Madaxtooyada.
Taliyaha Millateriga Jeneraal Sakariye, ayaa ciidankaas hoggaaminayey tan iyo markii uu dalka Jabuuti xorriyadda qaatay sannadkii 1977.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Kornayn Cabdillaahi Cabdi Faarax, ayaa dhowaan socdaal ku yimi caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, isagoo ka qaybgalay xus loo sameeyey aasaaskii Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku beegnayd 2dii bishan February 2022.

Sarkaalkan ayaa la rumaysan yahay in aannu la dhacsaneyn hoggaaminta madaxweyne Geelle.