Somaliland oo dil toogasho ah ku fulinaysa tobaneeyo maxbuus

Hargeysa -(Berberanews)-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la filayaa inay inay xukun dil toogasho qisaas ah ku fuliso tobaneeyo maxbuus saacadaha soo socda.

Maxaabiista xukunka qisaasta ah lagu fulinayo oo sida la sheegay u badan askar, ayaa hore dilal uga geystay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Gabilay waqtiyo kala duwan.

Qaar ka mid ah ehelada gacan-ku-dhiiglayaasha, ayaa warbaahinta u sheegay in lagu wargeliyey xukunka qisaasta ah ee lagu fulinayo maxaabiistaas oo sida ay xuseen la filayo inuu dhaco Arbacada berri.