Muslimiinta Tigrayga oo xidhiidhka u jaray ururka Islaamiga ee Itoobiya

Itoobiya-(Berberanews)-Golaha sare ee Islaamka ee Tigrayga, ayaa xidhiidhkii u jaray Golaha Arrimaha Islaamka ee Itoobiya, oo ah dallada dalkaas ee ay ku midaydanyihiin.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa maalmo un kadib markii hogaamiyaasha diinta Ortodokska ee Tigray-ga ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een kaniisada Ortodokska ee Itoobiya si ay u dhistaan ​​Synod iyaga u gaar ah.

Mas’uuliyiinta Muslimiinta ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen ay sabab u tahay diidmada hay’adda Islaamka ee dalkaas oo aan doonayn inay cambaareeyaan dagaalkii dowladu ku qaaday Tigray, kaasoo soo socday tan iyo sannadkii 2020-ka.

Goluhu wuxuu soo hadal qaaday duqeyntii iyo burburkii loo geystay masjidka Al Nejashi oo ka mid ah meelaha ugu barakeysan ee uu ka dhacay iska horimaadyadii hore.

Muslimiintii ugu horreysay ee u safra Afrika xilligii Nebi Muxamed ayaa loo maleynayaa inay dhiseen masjidkan qarnigii 7aad.

Marka loo eego falanqeeyayaasha, kala qaybsanaanta diineedku waa cutub muhiim u ah iskahorimaadka ka socda waddan ay Masiixiyiinta Ortodokska ka yihiin in ka badan 40% dadweynaha iyo Muslimiinta oo ah 34%.

Kaniisadda Ortodokska Tewahodo waxay leedahay taageerayaasha ugu badan ee Itoobiya waxayna awood ballaadhan ku leedahay dhinacyada bulshada iyo siyaasadda dalka.

Info@berberanews.com