“Safarkaas Taiwan waxa uu noo suurtogaliyey..” Wasiir Ciise Kayd

Weftigii Wasiirrada Somaliland Arrimaha oo dalka ku soo laabtay, kana warbixiyey safarkoodii Taiwan

Hargeysa -(Berberanews)-Weftigii uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa dalka ku soo laabtay gelinkii hore ee maanta, kadib markii ay soo dhammaysteen socdaal muddo toddobaad ah qaatay oo ay ku tageen dalka Taiwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Kayd oo warbaahinta kula hadlay Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa, ayaa tafaasiil ka bixiyey natiijada safarka weftigiisu ku taageen Taiwan.

Wasiir Kayd waxa uu in ujeeddada ugu weyn ee safarkoodu ahaa sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, isla markaana waxyaabo badan ku soo guulaysteen.
“Waxaannu ku tagnay halkaas (Taiwan) arrimo door ah oo ay ugu horreyso sii xoojinta iskaashiga labada dal iyo labada dad, aadna waannu ugu soo guulaysannay,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Waxa uu intaas ku daray in ay masuuliyiinta Taiwan kala hadleen mashaariic horumarineed oo qaarkood hore u socdeen iyo heshiisyo cusub oo ay ka mid yihiin horumarinta kalluumaysiga iyo xoolaha.
“Safarkaas Taiwan waxa uu noo suurtogaliyey in aannu ku soo guulaysanno dhammaan mashruucyada aannu halkaas la tagnay qaar socday sida caafimaadka oo kale iyo qaar cusub intaba, waxa ka mid ah kalluumaysiga iyo xoolaha, caafimaadka, ICT-ga, macdanta iyo shidaalka” ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Waftiga ayaa ka kooban Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Ciise Kayd Maxamuud, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Md Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md Cumar Cabdillaahi Bade.