Xogihii u danbeeyay ee weftiga Somaliland ee ku sugan Taiwan

Taiwan-(Berberanews)-Wasiirka Qorsheynta Somaliland, ayaa la hadlay qaar ka mid ah kulamada weftiga Somaliland la yeesheen masuuliyiinta dawladda iyo madaxda shirkadda waaweyn ee dalka Taiwan

Cumar Cali Cabdilaahi, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka warbixiyay kullammada kala duwan ee ay la yeesheen masuliyiinta Dowladda Taiwan.

“Safarkiisa diblomaasiyadeed ee aanu ku joognay dalka Taiwan ayaa ilaa imika si habsami ah noogu socda waxaanan kulan la qaadanay Wasiirka Ganacsiga ee dalka Taiwan Marwo Mei-Hua Wang iyo xubno ka tirsan ganacsatada iyo maamulka wasaaradda ganacsiga.

Kulankan oo qayb ka ahaa arimaha shaqo ee aanu u nimi dalka Taiwan ayaa kamid ah kulamada ugu muhiimsan ee aanu ee aanu madaxda dalka Taiwan la qaadanayo. Kulankan oo aanu kusoo bandhignay fursadaha maalgashiyada ee ka jira Somaliland iyo nidaamka dawaldnimo, nabad-gelyada & shuruucda dhaqan galka ah ee damaanad qaadaya amniga iyo maalgashiyada Caalamiga ah.

Waxaanan isla garanay in aanu ugu horrayn ka wada shaqeeyo dhanka xeerarka ganacsiga, isku socodka, kor u qaadista tayada shaqaalaha, wax-soosaarka iyo arrimo kale oo sal u noqda xidhiidh ganacsi oo faa’iido u leh labbada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan.

Waftiga diblomaasiyadeed oo ku sugan magaalada Taipei ee Caasimada dalka Taiwan ayaa kulan la qaatay Shirkada CECI

CECI oo ka mida shirkadaha ugu waawayn Taiwan ee takhasus balaadhan u leh dhismayaasha mashaariicda horumarineed ee sida Wadooyinka, Dekeddaha iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha. Ayaa hormood ka noqon doontaa mashaariicda dhisme ee Taiwan ka hirgalin doonto Somaliland, waxayna dhawaan bilaabi doonaan cusbitaal casri ah oo u adeegi doona bulshada.”

Berberanews.com
Info@berberanews.com