Somaliland oo ka hadashay walaaca Shiinuhu ka muujiyey xidhidhka Taiwan

Taipei -(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Dibbada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, oo ka hadlay walaac weyn oo dawladda Shiinuhu ka muujisay xidhiidhka sii xoogaysanaya ee ka dhexeeya dalkiisa iyo Jamhuuriyadda Taiwan, kadib markii xukuumadda Beijing sas ka qaadday safarka weftiga uu hoggaaminayo ku tageen Taipei toddobaadkan.
Wasiir Ciise Kayd, waxa uu carrabka ku adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland yahay qaran xor ah, loona yeedhin karin cidda uu la saaxiibayo.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warkan maanta, ayaa xustay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland uu dawladda Shinaha u sheegay in Somaliland yahay dal xor ah oo aan cidna kala tashanayn cidda uu xidhiidh la yeelanayo iyo arrimihiisa gaarka ah toona.
“China nooma yeedhin karo cidda Somaliland xidhiidh la yeelanayso, maadaama Somaliland yahay qaran xor ah, xornimana ku dhashay,” ayuu Wasiir Kayd u sheegay Reuters.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Dadka ee China oo warbaahinta la hadlay dhowaan, ayaa ku tilmaamay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan mid khatar ku ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Shiinaha iyo dalal kale oo aannu xusin.