Muqdisho: Qarax lagu dilay 6 ka mid ah ergada Somaliland ka soo jeeda

Muqdisho -(Berberanews)-Masuuliyiinta laamaha ammaanka ee dawladda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaday in 6 xubnood oo ka mid ah ergooyinka ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland ee dooranaya xildhibaannada baarlamanka lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo lagula beegsaday badhtamaha magaalada Muqdisho duhurkii shalay.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in xubnaha ku dhintay weerarkaasi ka mid ahaayeen ergooyinka dooranaya xildhibaannada khayaaliga ah ee maamulka Muqdisho ku sheego inay yihiin xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya u metelaya waxay ugu yeedhaan Gobollada Woqooyi, kadib markii weerar ismiidaamin ah lala eegtay bas ay saarnaayeen oo marayey Isgoyska Ceel-gaabta ee caasimadda Xamar.
Sidoo kale, tiro kale oo ka mid ah ergooyinka doorashada, ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo lala eegtay basas ay la socdeen ergada oo ka soo laabtay goobta codaynta doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee lagu sheego Gobollada Woqooyi, xilli ay marayeen isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho abbaaro 1.00 duhurnimo ee shalay.
Sarkaal ka tirsan dawladda Soomaaliya oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegay in tirada la xaqiijiyey ee ergada ku dhintay weerarkaasi tahay lix qof, halka 12 kale oo shacab u badanna ku dhaawacmeen.
“Waxa aannu saarnayn bas isgoyska Ceelgaabta marayey. Waxa aan arkayey qof baska u sii ordaya iyo booliiska oo ku qaylinaya ‘istaag’ oo qoriga ku taagaya. Kadibna waxaan maqalnay laba xabbadood iyo qarax.” Sidaa waxa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay Saado Cabdillaahi oo ka mid ah ergada weerarka lala beegsaday. 
War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in is-miidaamiye ka tirsan xarakada uu fuliyey qaraxaas, bartilmaamedkiisuna ahaa afar bas oo siday ergo ku maxaafsanayey magaca Jamhuuriyadda Somaliland oo ka baxay taandho ku taal Jeneraal Kaahiye ee Xamar, kuwaas oo doonayey inay ka qaybgalaan doorashada xubno magac-u-yaal ah oo lagu sheego xildhibaannada Gobollada Woqooyi shalay.
Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay khasaaraha ay sheegatay Al-shabaab inay gaadhsiisay ergada iyo ciidammada la socday, maadaama wararka qaar xuseen in ergada qaraxa lala beegsaday ay ka badbaadeen.
Geesta kale, gabdho ergada doorashada ka mid ah oo qaraxa is-miidaaminta ku dhaawacmay ayaa lagula tacaalayaa Cusbitaalka Digfeer ee Muqdisho, kuwaas oo la sheegay in laba ka mid ah ay qabaan dhaawacyo culus, iyadoo baraha bulshada lagu hadal hayo xaaladooda, qaarkoodna ay ahaayeen dad aad looga yaqaan.
Landa Cabdi Maxamed iyo Amal Baashe oo ka mid ah ergada ku dhaawacmay qaraxa shalay ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshada
Madaxa Amiin Ambulance ee gaadiidka gurmadka caafimaadka Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inay goobta qaraxu ka dhacay ka qaadeen 6 qof oo meyd ah iyo 13 dhaawac ah.
Dhinaca kale, Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa, ayaa sheegtay inay qaraxaas ku dileen 11 qof oo isugu jira ergo iyo ciidammada booliska.
Waa weerarkii ugu horreeyey ee Al-shabaab la beegsato ergooyinka doorashada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaanay ku hanjabeen inay hadda laga bilaabo si gaar ah u bartilmaameedsan doonaan ergada dooranaya xildhibaannada cusub.