Dulmiga Dp-world ku hayso Shaqaalaha Dekeda Berbera

Magacaygu waa siciid ibraahin cali waxa aan ahay muwaadin reer soomaliland ah oo ku nool gobolka saaxil  kana mid ahaa shaqaalaha dekeda berbera ee shirkada Dpworld waaxda farsamada (operation deparment) kuna shaqayn jirey xirfada kaxaynta wiishashka ( Crine operator).

waxa dhacday bishii july 2017 kii goor subaxa anoo gudanaya hawl maalmeedkaygii shaqo ayaa masuulkaygii shaqadu i amray inaan kaxeeyo wiish cilad farsamo ku timi oo yaalay xerada M-Tiida ee la dhigo gaadiidka dekeda oo aan geeyo xerada madaxtooyada berbera ka danbaysa oo ay yaaliin gaadiid kale oo dekedu lahayd.

Waanaan kaxeeyey oo waxan dhigay halkii masuulkii shaqadu i amray inaan dhigo.

Ka dib waan rawaxay markay saacadii  shaqadu dhamaatay galabtii abaara 5:00 pm ayaa waxa isoo wacay masuulkaygii shaqada oo i yidhi xaged jogta iiguna yimi goobtaan joogay ee aan u sheegay oo isoo qaaday iina sheegay in maamulkii sare ee shirkada Dpworld khaasatan Cali Dpworld oo ah nin soomaali ah  uu gaadhay war ah in la xaday oo dekeda lagala baxay wiishkii uu saaka i amray maamulkaygu inaan goobtaa ka qaado oo aan goobtaa kale dhigo  isla markaana uu soo direy masuul kale oo soomaali ah oo ahaa supervisor oo uu la socday darwal kale oo la amray inuu tago goobtii aan dhigay  wiishkaa laguna soo celiyo goobtii aan saaka ka kaxeeyey ee xerada eemtiida.

Furaha wiishkana waxan dhigay shidhka wiishka goob la galiyo oo shaqaaluhu isla yaqaano maadaama kolba qof shaqada leeyey oo ( different shifts) la kala yahay wuxuna ii sheegey in darwalki la yidhi soo kaxee wiishka uu yidhi ma garanayo oo uu u istaadhmi waayey oo aan anigu soo kaxeeyo oo aan halkiisii ku soo celiyo waxaana aanu nimi goobtii wiishku yaalay waxaana aan soo kaxeeyey wiishkii oo aan dhigay goobtii aan saka ka qaadey anagoo wada socana maamulkaygii iyo maamulkii sare ee wiishka loo soo direy  iyo taliyihii saldhiga dekeda ka dibna wey iska tageen maamulkaygi iyo masuulki wiishka loo soo direyba oo haa supervisorkaygii shaqada weliba shiftgayga.

intaa ka dib waqti kooban ka dib taliyihii saldhiga dekedu wuu i xidhay. Mudo 2 cishaa markan ku xidhnaa saldhiga dekeda waxa ( security officer) kii dekedu ii keenay warqadii eriga shaqada ( termination letter) iyadoon waxba lay weydiin oo aan dulmi ku xidhnaaa.

Maalintii 3 ayaa waalidkaygu dambi baadhihii saldhiga dekeda weydiiyey waxa aan mudo 3 cishaa ugu xidhnahay dulmiga intaa leeg dambi baadhihii wuxu diyariyey markiiba inuu diyariyo sidii maxmada lay gayn lahaa wuxuna u la hadlay taliyihii saldhiga iyo ninkii supervisorka ahaa oo yimi sidaasaana maxkamada laygu geeyey maxkamadina 7 cisho rumana hadana saldhiga laygu so celiyey bacda 7 cishana waxay bilowday dhegeysiga dacwadayada taas oo socotay mudo 2 bilood ah oo aan xidhnaa marna maxkamada lay geynayey.

Nasiib wanaag maamulkaygii shaqada waxa uu maxkamada ka hor cadeyey inu isagu i amray inaan ka kaxeeyo wiishka goobtaas oo goobtaas kale geeyo ayna baabur kaleba taalo oo ay tahay xero dekedu leedahay wax danbi ahna aanan lahayn oo ah wiishbaa la xadeyey  sido kale  supervisorkii shaqada ee ahaa ninki wiishka looso direy in lagu so celiyo meshisi isna waxa uu  maxkamada ka hor cadeeyey marki maxkamadu tidhi ka waran siciid ibraahin wuxuu sheegey inu yahay supervisorkaygi shaqada oo aanan wiish xadid bad sheegtee inan ka mid ahaa shaqaalaha ugu wanagsan ee aan maalin shaqadiisa sagsaagin oo macal isagoon shaqada lahayn aan hadaan hawl kale u diro aanu maya igu soo celin weligiii.

Guntii iyo gabagabadii markay maxkamadu dhamaysay dhegaysiga dacwadaydii waxay xukuntay inaanan wax danbi ah lahayn isla markaana mudo 2 bilood ah oo aan xidhnaaa musharkaygii lay siiyo shaqadaydiina laygu celiyo. Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada ee gobolka saaxilna waxay iyadoo tixraacaysa goaanka xukunka maxkamada ay ku lifaaqdey warqad ah in musharhaygii 2 bilood oon xidhnaa lay siiyo shaqadaydiina laygu celiyo may dhicin mudo badan ayaan maxkamada gobolka  iyo xafiiska Dpworld ku dhex dawakhay oo kabuhu igaga dhamadeen sidii layla meereysanayey markaan ka quustay,

ayaan waxan u tagay gudoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali oo idhi madax meel ka sareysa oo la taabtaa ma jirteee bal warka gaadhsii waxanu la kulmay maalinta uu dadweynaha la kulmo waxanan tusay warqahii xukunkayga ee maxkamada iyo tii wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada intuu akhriyey ayuu yidhi waa sax waana sharci xukunkan maxkamadu,  gudoomiye waa la fulin wayey ayaan ku idhi oo mudo badan baan ku daalay ilaa maantana shaqadaydii layguma celin .

Gudoomiyahan ka filayey inuu talaabo qaado oo uu maxkamada gobolka la hadlo anba uu toos shirkada Dpworld ula xidhiidho weydiiyana  sababta ay xukunka maxkamada u fulin weyday ayaa igu yidhi madaxweynaha u tag isagaa ka masuula Dpworld.

Yaab iyo amakaag bay igu noqotay wuu ogyahay in aanan anigu madaxweynaha gaadhayn waxan is weydiiyey haday ka run tahay madaxweynaha u tag miyuu isaguu talefankisa qabanayaaye miyuu imankaba  la hadlo oo u sheego arinkan hadii aanu uu intuu yaqaanay dhaaftay oo aanu waxba ka qaban kareyn waxan ka soo baxay anoo yaaban maalintaas ayaan ka quustay cadaalada waaxda garsoorka markaan arkay madaxii u sareyey maxkamada sare oon idhi ilaahay ayuunba cadaalad haya.

Waxaa aan goansadey inaan xoogsi tago ileyn arsaaqadaydii kumay goine 5 cisho ka dib qolaa ila so hadashay oo tidhi waxan u baahanahay inad noo kaxayso  wiish ka shaqaynayey mashruuc dhisme sidaasaanan ugu shaqo tagay jigjiga itoobiya .

QORRE: SICIID IBRAAHIN CALI