Wasiirka Somaliland oo aan u sujuudin cidna ayaa booqday Taiwan

Faaladan waxa Arbaca, February 9, qoray i24 News, oo xarunteeda ay tahay Jaffa Port, oo ah magaalo ku taala Israel-

Sawirka hoose oo uu sawiray Ben Stansall,ayaa gabadh reer Somaliland ah oo degan London, ay ku sawiratay calanka Somaliland dhabankeeda February 22, 2012-

Taiwan waxa ay doonaysaa in ay xoojiso joogitaankeeda masraxa aduunka, si arintaas ay uga dhabaysana, waxa ay Arbacadii roog cusub u dhigtay Somaliland oo ay isku mawqif yihiin.

Taiwan iyo Somaliland,  waa laba dal oo si iskeed ah ay uga taabagashay dimuqraadiyada, inta badana aduunka ma aqoonsana labadaba.

Taiwan iyo Somaliland ayaa waxa ay samaysteen xidhiidh xoogan sanadkii 2020, xidhiidhkaas oo keenay in ay is weydaarsadaan safaarado.

Arbacadii, ayaa wasiirka arimaha dibadda Somaliland Essa Kayd Mohamoud, waxa uu ku tilmaamay xidhiidhka Taiwan, in uu yahay mid gaar ah, oo taariikhi ah, una dhaxeeya laba  wadan oo dimuqraadi ah, labadaas wadan oo ku kala yaala Afrika iyo Asia, waana booqashadii ugu saraysay ee xukuumadiisa ay u dirto Taiwan.

Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing- wen oo mabsuud ku ah booqashada, ayaa waxa ay ku soo qortay twitterka hadalkan hoose:

” Waxaan ku faraxsanahay in aan la kulmo wafdiga uu hogaaminayo Wasiir Esse Kayd,ee ka yimid Somaliland, oo ah saaxiibkayaga dimuqraadiga ah ee ku yaala Bariga Afrika, waxa aan ku soo dhawaynayaa Taiwan markii ugu horaysay”.

Dhinaciisa, Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland ayaa yidhi:

” Wadashaqaynta noocan ah ee ka dhaxaysa saaxiibo caalami ah, waxa ay kor u qaadaysaa nabada iyo amniga gobolka, oo ah mid dunidu u baahantahay”.

Somaliland waxa ay madaxbanaanideeda ku dhawaaqday 1991.Soomaaliya waxa ay sheegtay in safaaradaha ay kala badasheen Taiwan iyo Somaliland, ay tahay mid aan laga fiirsan, oo xadgudub ku ah qaranimadeeda,Beijing ayaa iyadana ku eedaysay Taiwan, in ay kala goynayso Shiinaha, iyo in Taiwan ay rajo beeshay.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan in ay tahay dhul ay leeyihiin,waxana ay nidar ku galeen in mar uun ay la wareegi doonaan.

Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada Shiinaha Zhao Lijian, oo la weydiiyey in uu ka faaloodo socdaalka Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland uu ku joogo Taiwan, ayaa waxa uu Arbacadii sheegay, in Taiwan ay baadi goobayso ” gooni-isku taag”,sidoo kale ay wiiqayso madaxbanaanida iyo wadajirka wadamo kale”.