Qarax lala eegtay Ergadii Magaca Somaliland ku maxaabsanayay

Somalia(Berberanews)-Illaa hadda hal qof ayaa la soo sheegayaa inuu ku dhintay qarax qof naftii hore ahi la beegsaday kolanyo gaadiid oo gaadiid ay saarnaayeen qaar kamid ah ergooyinkii ka qeybgalaya doorashada xildhibaanmada gobolada Waqooyi ee maanta ka socotay Muqdisho.

Tiro aan si rasmiya loo shaacin, ayaa la soo sheegayaa inay ku dhaawacmeen
Qaraxan ah oo ka dhacay wadada Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir, oo uu fuliyay qof isku soo xidhay Koodh ay ku xidhanyihiin waxyaabaha qarxa.

C/fitaax Xasan oo ka mid ah Saraakiisha Booliska ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo la hadlay Wakaaladda Wararka Anadolu ayaa sheegay in bdhtilmaameedku ahaa kolonyo ay la socdeen dad codbixiyeyaal ah oo ka soo laabtay goobta ay doorashada ka dhaceysay ee Muqdisho.

“Waxaan rumeysannahay in qofka is-qarxiyay uu doonayay inuu beegsado gaadiid ay la socdeen cod-bixiyeyaal, balse waxay u muuqataa inay lumiyeen badhtilmaameedkii,” ayuu yidhi.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse kooxda argagixisada ah ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda weerarradan oo kale oo ka dhaca dalka.